Qaayla dhaantii qaranimada Somaliland – Qalinkii Sacad Maxamuud Gadhle

Qodaaljoog iyo qurbajooguba

Laba weeyi qiraal ah

In ay qaybka yihiin

Qarankan manta aan joogno

Qormo aay ku kulmeena

Salaam qiimalahoo

Qalbi saafiyi dhiibay

Qosolna ay kudareen

Qaxwihiina la raacshay

Waxay soo qadimeen

Kaftan qaayo lohoo

Taladii qarankeeniyo quruskeena ku saabsan

Qodaaljoog habeenkii xalay ahaa warwar iyo walaac kamaan seexan sobobtoo ah dhulkii Somaliland ayaa maamul goboleed lagaga dhex dhawaaqay kuwo qurba joogii reer awdal ahaana xamar bay ka dageen hurdaba iima soo bixin.

 Qurba joog .qodaalow siyaasada hoose ayaynu isku diidanahay oo muxaafid iyo mucaarad ku kala nahee qaranimada Somaliland xagayga waa lama taabtaan dibad wareega reer awdal waxba sheegi mayaan waa koox yaroo balaayo aloos ah oo abtiyaashay xajiimaynaysa ee madaxwayne siiranyo shirka taleex muxuu ka damcay

qodaaljoog  malaha badhasaabyadaa uu eryay ayuu kaga jawaabay shirkaa qaran dumiska ah

qurba joog  qaranimada Somaliland iyo jiritaankeeda waxay ku timid rabitaanka dadwaynaha Somaliland oo dhan alle ha u naxariistee abwaankii timacade tix kamid ah xigmadii u ka tegay  tix ka mid ah[gaada hashaan gaada waynow libaax uga gaboon waayay. in aan goroyo cawl uga tagaa, waa wax soo gudhay]

qodaaljoog  badhasaabkii sanaag shirkii taleexbaa laga raacay badhasaabka gabilayna aqoonyahan waayo arag ah buu ahaa cilmiga badaha iyo maraakiibta ku taqaqusee ma dacwadii masuulkan balaygii alaybaday iibin jiray baa laga raacay kolayse waa sunaha maamulka dawliga ah isku bedelka masuuliyiintu balse maantana gabaygan iga dhagayso

[maansadaan rikibay ee rabigu maanka garansiiyay

Ruqsadii abwaankaan heloo

Raystay waayadane

Raganimo abaalkii lagu yiqiin

Raadshay sanadkaase

Raadcaan xaqiiqada ugaloo

mudaan raaci ka ahaaye

rakaab kii kulmiyoo dhan haday laba ka roonaatay

raasamalkii taageeradaa lumoo raajacaad malehe

dacwadaan rasiimiyay ee

raadiyuhu faafshay

 taladaan rogrogay een maalmo ku rafaaday

riyo weeyi noloshuba hadaan

runta loo hogaansamine

rahu wuxuu dhawaaqaa markuu roobku

uriyaaye

baabuurkuna haduu riinkajaro

reenka laga waaye

ribidhada Somaliland loo daadshay

ee la nagu riixaayo

rabitaanka shacabigaan ogoo

rasmigu waa guule

wufuudan raacba raac ku xigee

nala rafiiqaysa

maskaxdii raabuqdaa wataa xamar

urooraysa

xamartaa ruqatay hadii riyaalo  loo doontay

habaarkii sheekhay rarteen sidii ruux an garanaayo

ruug cadagii aan doorteen raarta sare saaray

riyaalaba ma dhaamee rayidku yuu eersan

rikoodhkii  codkaygaana dhalay ruuntan talinaysa

reernana ma qaateen wuxuu raaskan ku sameeyay

reenka dadwaynahaan maqloo raali laga waaye

ruxankuna waa badan yehee intaanay rarada soo dhaafin

taladaasna waan radiyay markaan soo rogaal celiyo

rafkaa waxa noogu wacan ruufadkaan galaye

raafka badhasabadii galiyo ricidhkan soo taagan

rafashada wadaadkii goluhu wuxuu godobo

ruuqruuqay

rajada iyo hankiisii saw ruufka kuma laalin

raxantan caanaha cabtee ramadka loo maalo

rooshoomo midhoo’ rucub rucub u soo muuqda

riiraxyaan ka qaadaa kuwaa raqaya maalkiiye

rasaasbaan u soo qaatay iyo rayfalkaan dhigaye

rajiimkana waxa lagadidaa markaay taladu reeroowdo

waa xigmadii qodaaljoog.sacad x’maxamuud gadhle; 4669910