Qaar Ka Mid Ah Masaajiddada Dalka Oo Salaadii Jimce Ka Dib Laga Akhriyay Ducada Roob doonta

MasjidHargeys, (SLP)- Inta badan masaajidada magaalooyinka iyo degmooyinka Somaliland ayaa maanta salaadii jimce ka dib laga akhriyay ducada roob-doonta.

Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland xalay ku wargelisay dhamaan khadiibyada masaajida dalka in maanta oo jimce ah salaada ka dib laga akhriyo ducada roob-doonta.

Roobka guga oo dhawaan ka curtay meelo ka mid ah deegaamada Somaliland oo biyo la’aan iyo abaar saamaysay dad iyo duunyaba ay ka jirtay ayaa bishii hore badhtamaheedii waxa ka da’ay meelo badan oo harraadanaa daruuro lagu diirsaday, iyadoo ay nimcadaa Illaahay guud ahaan bulshadu ka mahad-naqday, dadka iyo xooluhuna ay ku qabawsadeen, balse daba-yaqaadii bishii iyo bishan afraad ee hadda lagu jiro ayaa waxaan di’in roobkii xilliga guga ee la filayay inuu da’o, isla markaana waxa sii adkaatay cimilada, iyadoo meelo qaarkood uu kulayl badani ka jiro, balse biyo iyo baadba aanay xooluhu ku haysan oo uu dhulku qalalan yahay.

Haddaba maanta oo jimce ah ayaa magaalooyinka waaweyn iyo deegaamada qaarkood, salaadii ka dib ay culimadu ducada roob-doonta ka akhriyeen masaajidada.

Insha Allah Illaahay naxariistiisu waa mid mar walba loo baahan yahay. Waxaynu Illaahay ka baryaynayaa inuu nimcadiisa inoo shubo..Aamiin…

 

Somalilandpost

Hargeisa Office