Qaar ka mid ah culimada Somaliland oo ka hawl-galaya wax-ka-qabashada Guurka Qaaliyoobay

Hargeysa,  (SLpost)- Guddida Wanaag-farista iyo xumaan-reebista Somaliland, ayaa soo bandhigay qorshe cusub oo lagu xakamaynayo kharashaadka faraha badan ee ku baxa dhalinyarada is guursanaysa.

Guddidan Wanaag-farista ayaa sameeyey daraasad ay ku ogaanayaan kharashaadka ku baxa Arooska, iyagoo shacabka Somaliland iyo Xukuumaddana usoo bandhigay nidaam yaraynaya kharashaadka, isla markaana dhiirigalinyarada guurka u dhib-yarayn kara, ciddii ku xad-gudubtana ganaax lacageed lagu xukumi doono.

Sida lagu baahiyey Shabakadda Hiiraan.com, Dhalinyarada Somaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan Caasimada Hargeysa ayaa dabar-adag waxa ku noqday kharashka faraha badan ee lagu xidho guurka, kuwaas oo aanay awoodin intooda badani. Arrintan ay Guddidu soo jeedisay oo qaybo badan oo Somaliland ah ka hirgashay ayaa Odayada, Culimada iyo madax-dhaqameedka Somalilland ka codsaday inay taageeraan nidaamkan guurka qaali-garoobay wax lagaga qabanayo.

Guddoomiyaha Guddidan Xaaji Ibraahim Cabdillaahi Xaaji Dool oo xafiiskiisa ugu warramay Hiiraan.con, ayaa ka warbixiyey marxaladaha iyo kharashka faraha badan ee ku baxa guurka maanta, isagoo sharraxaad ka bixinaya maalinta Inanta la doonayo waxa ku baxa Wiilka waxa uu yidhi; “Inanta ayaa waxa lagu doonayaa Hoteel oo dadkii labada dhinac ka socday isku arkayaan. Inanta ayaa haddana dhiganaysa Xaflad ay Hablihii ay Saaxiibbada ahaayeen ku soo casuumayso oo Hoteel iyana ka dhacaysa, waxa ay soo kiraysanaysaa koox Music u tunta iyo Baabuur dadka guryahooda lagu geeyo.” “Haddana waxa is baranaya labada reer ee is-guursaday Dumarkooda, taas oo Inanka reerkoodu ay inantii soo booqanayaan iyada oo ay alaab badan oo qaaliya u keenayaan, Baabuur badanna ay soo kaxaysanayaan.” Sidaa ayuu yidhi, Xaaji Dool.

Waxaanu Sheekh Dool oo mar kale marxaladaha Arooska ka hadlayaa yidhi; “Habeenka Arooska waxa ku baxaya Inantii Aroosadda ahayd ayaa Kofeer la gaynayaa, waxa la socda 10 hablood oo isku diraysa oo kharashkooda Inantu qabto, waxa lagu galbinayaa Baabuur badan oo waxa la geynayaa hoteelka, waxa la keenayaa Fannaaniin Musiga tumaysa oo aanay shareecada Islaamku oggolayn, waxa ku xiga Ducadii Wiilka Qarabaadiisa iyo Asxaabtiisa oo la samaynayo maalinta labaad ee Arooska.”

“Waxa ku xiga maalintii Soddohda oo iyana keenaysa Fijaannadii, soona raacinaysa fadhigii iyo alaab waaweyn, tusaale ahaan fadhiyo, qasaalad, Tv-yo, gogol iyo alaabooyin qaaliya, Soddohda waxa loo kiraynaya hoteel ka duwan kii  Aroosku ka dhacay, waxay soo kiraysanaysaa Baabuur iyo Basas alaabta iyo dadka lagu guro. Waxa kale oo la soo kiraysanayaa Islaamo u buraanbura oo wata koox u jiibiya toddobaad ka horna la sii ballansado, waxa ku xiga in Inanka iyo Asxaabtiisu ay furanayan fijaankii Ragga. waxa haddana ku xiga fijaankii Hablaha oo loo yaqaan (fujaanka sabiibta, iyadoo Hoteel kale loo kiraynayo oo sidii Arooska oo kale, Kofoorkana lagu celiyo iyada iyo Hablihii mixiisiinta u ahaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-kareebista Somaliland Xaaji Ibraahin Cabdillaahi Xaaji Dool.

Dhammaan qodobbadaasi kor ku xusan ayaa mid waliba waxa uu wataa kharash aan la xisaabin karin, taas oo badi dadka dhalinyarada ahi aanay awoodi karin. Guddoomiyaha guddidan ayaa soo jeediyey Qoddobo lagu xakamaynayo lacagtaa faraha badan ee la luminayo, kuwaasoo kala ah: 1. In Guurkii maalinta gabbaatiga ee lays waydiisanayo in la bixiyo $150 Doollar, 2. in Inanta lagu galbiyo laba Baabuur haddii ay saddex baabuur noqdaan waxa la ganaaxayaa 5000,000 Malyan oo Somaliland Shilling ah.

3. Arooska haddii 8:00 PM habeennimo lagu gaadho waxa la ganaaxayaa 5000,000 oo Somaliland shilling ah.

4. Fijaannada waxa la keenayaa hal-joog oo Subag ah iyo hal Joog oo Muqummad ah oo Inanka iyo Gabadhu ku naaxaan. 5. Inanka iyo Inanta waxa looga ducaynayaa Masaajiddada, 6. Islaanta Soddohda ah ee Inanta dhashay haddii ay khilaafto arrimahas Masaajiddada ayaa laga habaarayaa inay lug iyo gacan ka jabot.” ayuu yidhi Xaaji Dool.

Sheekh Dool  waxa kale oo uu soo jeediyey oo uu yidhi; “Rasuulkeennu (SCW) waxa uu xadiis innoogu sheegay haddii uu idiin yimaaddo qof Diintiisa iyo Aqlaaqdiisu fiican tahay waa in aad u Guurisaan, Suuratul Nuur-na ILLAAHAY waxa uu innoogu sheegay inaad u guurisaan dadka aan awoodi karayn guurka ee saalixaadka ah.” ayuu yidhi. Guddoomiye Dool waxa uu sheegay in qodobbadani ka dhaqan-galeen gobollada galbeedka Somaliland, isla markaana hadda ka hirgali doonaan magaalada Hargeysa.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost