Qaar ka mid ah Ardayda Dugsiyada Sare ee Hargeysa oo Cabasho macalimiin la’aan ah la hortagay Wasaaradda Waxbarashada

Hargeysa,  (SLpost)- Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare, Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa ku guulaysatay dejinta Ardayda wax ka dhigata Dugsiga Sarre ee Gandi oo ka mid dugsiyada caasimadda, kuwaas oo shalay wasaarada ka hor sameeyay mudaharaad cabasho ah oo la xidhiidha dugsigooda.

Ardaydan oo ay ka muuqatay isku xidhnaan iyo abaabu heerkiisu sareeyo ayaa si nabad galyo ah xarunta wasaarada uga hor sameeyay cabasho, la xidhiidha Macalimiin yaraan iyo agabka waxbarashada oo uu dugsigoodu ku liito. Ardaydan ayaa markii wasaarada horteeda ay isugu soo urureen uu wasiir ku-xigeenka wasaaradaas Cali Xaamud Jibriil isku dayay inuu la hadlo, hasa yeeshee waxa ay si cad ugu gacan saydheen, Wasiir ku xigeenka waxaanay ka codsadeen in wasiirka oo kaliya ay cabashadooda gaadhsiinayaan, loona ogolaado inay wasiirka la kulmaan.

Wasiirka wasaarada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo qadar yar ka dib u soo baxday ayaa hab degan ku qaabishay, waxaanay si hufan uga dhagaysatay cabashadooda, oo xubno ka tirsan ardaydu halkaa ka sheegen.

Markii wada hadalkii dhamaaday ka dib ayay wasiirku ku wargalisay ardayda in ay dugsigii u raacayso oo ay indhaheeda kula soo arkayso. Ka dibna waxa loo baqoolay dugsiga Gaandhi halkaas oo indho indhayn ka dib ay Wasiirka waxbarasahada iyo Tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan ay ka marag furtay inta badan baahiyihii ay ka cabanayeen ardaydaasi oo dugsigaas ka jirta, waxaanay u balan qaaday in si deg deg ah ay wax uga qaban doonto. Guud ahaana is xog waraysigii wasiirka iyo ardaydaa cabanaysay waxa uu ku dhamaaday jawi is af-garad ka muuqdo.

Ardayda dugsiga sare ee Gandhi ayaa si wayn uga cawday, macalimiin yaraan xoog leh oo ka jirta dugsigooda, waxaanay qaar ka mid ah ardaydaasi warbaahinta u sheegeen in mararka qaarkood ay ku kalifto in xiisadaha qaarkood ay waayaan, halka wakhtiyada qaarkoodna xalku noqdo in fasalo loo dhigo, kuwo kalana fasax aan caadi ahayn galaan. Sidoo kale waxa ay sheegeen in cabashadoodu la xidhiidhi baahidooda oo kaliya, wax rabshad iyo dhibaato ahna aanay samaynayn, maadaama oo ay lug kaga yimaadeen sida ay sheegeen dugsigooda oo xarunta wasaarada u jira in ka badan toban kilo miter.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net