Qaanuunka barashadiisaa, qaran ku dhismaa.

Qaanuunku/sharcigu waa xeerar bulsho dhigato dhexdeed, kuna heshiisay oo ay isku maamusho . sharcigu waa xeerar xadeeya xumaha, qeexa xaqa muwaadinka, waajibaad fara,  horumarkana u jideeya. Waxa soo rogta fulisa na dawlada. Sharcigu waa shareeraha sharka. Sharcigu waa tilmaamaha, toosiyaha bulshada. Taageeraha dadka tabaalaysan ee tacdarraysan.

Waa maxay ahmiyadda barashada sharcigu/ qaanuunku? Maadaama qaanuunku yahay hagaha, hagaajiyaha iyo habeeyaha dhaqanka bini`aadamka, barashadiisu waxay bilaysaa dhaqanka iyo asluubta qofka taas oo muhiim u ah qaranka, maadaama qaranku yahay qofaf is biirsaday. Barashada shayga lagaa rabo, kan kaa reebban iyo xuquuqahaaga aasaasiga ahi waa muhiim marna aan mar-marsiiyo loo heli Karin in ay bilaa micno iyo bilaa muraad yihiin ama barashadoodu xaaraan tahay. Sharcigu waa laambad iftiimaysa, haddii la barto sida saxarka looga dhawdo ee dhawro way ifaysaa, nalkaasina dami maayo. Haddii se agnaan laga noqdo, iftiinku mugdi buu isku rogi, inoo horseeda qaraabo-kiil, qas, musuq iyo xigto-miis aan xudduud lahayn. dhammaantood na xakamahay goosanayaan. Haddaba in aan dhisno qaran qaladku ku yar yahay, kana jirto is qaddarin, is tixgalin, la helo na bulsho aragtiyaha isku xurmaysa ee aan isku xag-xagan iyo in qof kasta qaato qaladkiisa, qummanaantiisa na lagu qaddariyo. taas ayaa sal u ah barashada sharciga.

Qaanuunka in la bartaa ma qalad baa? Waloow dad faro badani ay bahalo galiyaan barashada qaanuunka, haddana maaha diidmo ku salaysan tiirar adag iyo sababayn suuragal ah balse, waa shaki iyo fir-ka-nax laga qaaday qaanuunka iyada oo loo aanaynayo in aanu la jaanqaadi Karin shareecada iyo dhaqanka.

Muxuu dadka kaga geddisan yahay sharciyaqaanku? Sharciyaqaanku waa garyaqaan. Garyaqaanku waa sax-yaqaan. Inkasta oo macnaheedu aanu ahayn qof kasta oo qaanuunka aqoon u lihi ma qaldamo. Wuu qaldamaa ku gefaa qaanuunka iyo qarankaba se haddaanu is indhotirayn wuu garawsan yahay in uu qaldan yahay.sharciyaqaanku waa sharci-ilaaliye. Bulsho waliba na heerka sharciga dalkeeda ay taqaan bay dhawraarisaa kana dhawdaa dhibaatada shuruucda la dhigtay. Sharciyaqaanku waa hoggaamiye, beel-daajiye bulshada burcad isku mariya boggooda. Bal ila dhugo sheekadan xikmada iyo murtida xambaarsan ee ka turjumaysa ahmiyada garyaqaanka (sax-yaqaanka):

Afar nin baa walaalo ahayd, ilaahay badhaadhuu ka dhigay. Nin wuxuu ahaa deeqsi gacan furan oo wax bixinta ku fiican .Nina wuxuu ahaa nin gurran oo gaashaandhigga ku fiican . Ninna wuxuu ahaa wadaad qalidurre ah .Ninna wuxuu ahaa garyaqaan taliye ah.

Raggii walaalaha ahaa geel, lo`, adhi iyo gammaaan intaba hodan bay ka ahaayeen. Dhulka ay joogeen barwaaqo iyo nabad bay ku qabeen, nin waliba hoostuu ka guuxay, damac baa galay, wiilkii gaashaandhiga yaqaannay baa raggii ku yidhi : warankaygan weyn buu reerku ku dhaqmay oo cadawgu ka cabsoodaa ee waa hore ayaa lagu kala tagi lahaa, sidaa darted waa inaan xoolo siyaada ah ku helaa. Wiilkii wadaadka ahaa baa halkaa ka soo taahay oo yidhi: anigu intaad huriddiin kitaab baan u akhriyaa, balaayo oo dhan baan kaga xijaabaa, ninkii dhinta anaa quraama oo fiddeeya, anaana ku tukuda , dumarkana anaa nii meheriya sidaa darted waa inaan gunno gooni ah ku helaa. Wiilkii deeqsiga ahaa baa hadalkii qaatay oo yidhi: martida aan ka barinayo iyo sadaqadda aan ka bixinayo ee aan leeyahay, bari oo dhaqan, baadidaa ha barido, dheregoo wax ha kuu dheeraadaanta aan leeyahay buu ku dhaqmee waa hore ayaa il lagu qaadi lahaa sidaa darted waa inaan sed bursiimo ku helaa. Wiilkii garyaqaan baa yidhi, waar hooy walaalahayoow ha inna fidnaynina afar rukun baynnu nahay, darkii xoolaha rukummadii hayey baan nahay, afarteenna rukun oo is haysata ayuu reerku ku dhaqmaye ha inna fidnaynina. Waxa loogu jawaabay hadal badan oo loo baahnayn buu meesha la fadhiyaa. Markuu u tag waayay buu yidhi: isku dili maynee cid inna kala saarta innoo geeya, beelo meesha ay deggen yihiin aad uga fog bay iskula tageen. Degmadan ay yimaadeen dhibaato weyn baa ka jirta oo dadka haysata, habeenkii ilaah keenaba laba libaax baa duleedka reeraha soo fadhiista, waxa heshiis lagu yahay in habeen kasta qof ay ku ceeshaan loo xidho. Wiilkii garyaqaan baa beeshii u warramay oo hadadkii ku soo dhammeeyay, anuu reerku igu dhaqmay iyo anaa ayaan leh baan isku haynaa ee na kala saara.

Afartii nin ee walaalaha ahaa waxa galabnimadii saan ay ku fadhiistaan loo dhigay halkii labada libaax soo yuurursanayeen, ka dib markii ay dhargeen baa looga warramay dhibaatada beesha haysata iyo in labada libaax habeen walba qof loo xidho si dad iyo duunyaba loo badbaadiyo. Caawa afartiinnani mid iska soo saara libaaxu ku ceesho, saddexdiina kale na berri ayaan idin kala saaraynaa, intaa markii lagu yidhi baa laga dareeray. Wax yar ka dib labadii libaax baa halkii soo yuurursaday, wiilkii garyaqaan baa waddaadkii ku yidhi: wixii aad reerka ku xijaabi jirtay , libaaxyadan ku kaxee, baladii aan reerka ka hor joogay kuwani way ka af waaweyn yihiin buu yidhi. Wiilkii gurranaa ee gaashaandhigga yaqaan buu la hadlay, wuxu yidhi, warrankaagii reerka lagaga weecanayay maantaa loo baahanyahay, kuwan warankayga iyo gaashaankaygu tag uma hayaan buu ku jawaabay. Wiilkii waan gacan furranahay ku faanayay buu ku yidhi; waar waa laba keli ah ee wax innaga sii ha socdeene, reerkii aan wax ka loogayey ma dhex joogo buu ku jawaabay. Haddaba anay I joogtaa ee I maqla walaalahayoow buu yidhi wiilkii garyaqaan, ilaah baan la kaashan oo labada libaax waan isku diri markay is diriraan ee ay isla daalaan waxan odhan ila kala qabta, dabadeed waa rag daalaye golxaddadaan ku boobeynaa. Ninkii garyaqaan labadii libaax buu hortegay, wuxu yidhi, ninkii caawa aad cuni lahaydeen waakan iga sokeeya ee wax baan idiin ogahee I dhageysta , ninkani cad yar oo joharad ah buu leeyahay laba uma kala sooranto mid uumbay ku fiican tahay inuu cuno. Labadinna ayaa adduunyada xukumi, booddada uu halkan ka boodo ayuu dunida geesteeda kale ku gaadhi , ku heshiiya intaa markuu yidhi ayaa labadiiba damac galay; mid baa yidhi anaa cuni; oo markaad cunaysid ma adaa leh mise xoolaad siisatay buu yidhi kii labaad na, fooddaa la is daray oo dagaal xun baa dhex maray, markay isla daaleen ee ay is jilciyeen ayuu ninkii markii hore isku diray soo kal dhex galay isaga oo ku dhawaaqaya: Sida loogu qaybiyo, Sida loo kala qabtaba, Annagaa naqaannee, Waar kaalaya ila kala qabta, Aan u kala qaybinnee. Markaa bay siday ballantu ahayd afartiiba golxaddadii ku boobeen, sidaa baana labadii libaax lagu dilay. Waagii markuu baryay dadkii deegaanku waxa soo tooseen labadii libaax oo dhimatay iyo afartii nin oo bad qabta . sidee bay wax u dhaceen? Noo warramaa la yidhi, geesi ilaahay ma xilo` e anaa sabab u noqday labadii libaax., ee baylah bandanna waan leenahay ee dhakhso noo kala saara buu yidhi ninkii guusha keenay. Beeshii oo dhan baa yaab ilaahay u keenay, dabadeed beeshii baa garqaad u fadhiisatay waxay na go`aamiyeen in reerku ku dhaqan yahay ninkii libaaxyadii ummada ka badbaadiyay, hadal iyo dhammaan markii shirar badan la galay waxa lagu heshiiyay in ninkaasi degmada oo dhan boqor u noqdo.

Haddaba Sida uu garyaqaanku qof, qofaf iyo degmoba u kala badbaadiyay ayaa uu dal iyo duunyaba u badbaadinayaa. Waa kaas garyaqaanku heerka aan la hilmaami Karin ee bulshada uu ugu fadhiyaa. Wa hanad kala hagaaja bulshada.

Ka muwaadinniin ahaan maxaa ina la gudboon? Muwaadin fadlan:

U Baro sharciga si aanad uga habran xaq aad leedahay.

U Baro sharciga si aad u caawiso cida caawimo u baahan.

UBaro sharciga si waajibka dalku kugu leeyahay uga soo baxdo, xaqaagana ugu gorgortami karto

UBaro sharciga si aad u noqoto hoggaamiye hammi sare

U Baro sharciga si bulshadu u beegsato bulshooyinka jaqaafiyay

U Baro  sharciga si aanad ugu gefin xaqa qaranka iyo kan walaalkaa

U Baro sharciga si bulshadu u hesho sinnaan, cadaalad iyo daryeel buuxa.

Gun iyo gunaanad .Waxa aan ku talinayaa( soo jeedinayaa):

1.In barashada qaanuunka gaar ahaan (Dastuurka dalka) lagu daro manaahijta , dugsiyada hoose/dhexe iyo sare.

2.In ugu yaraan hal kooras (course) oo casharada jaamacadahu uu noqdo qaanuun( sharci).

  1. In ay qasab noqoto in qofku aqoon u yeesho qodobada aasaasiga ah ee dastuurka sida jinsiyadda, calanka, astaanta iyo heesta qaranka.
  2. In imtixaan kasta oo shaqo dastuurku qayb ka ahaado.
  3. In lagu xidho bixinta shayada aasaasiga ah sida kaadhka dhalashada .

 

 

 

Waxaan ka soo xigtay sheekada: buugga Cabdalla xaaji cismaan, waaya-arag, 2013,p206.

W/Q: jibriil jirde cabdi

EMAIL:jirde40@gmail.com

FACEBOOK: jibriil jirde