QAAHIRA: Wasiirrada Arrimaha Debedda iyo Waxbarashada Somaliland oo kulan la Qaatay Wasiirka Tacliinta Dalka Masar

Qaahira (SLpost)- Wasiirka Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Waxabarshada Marwo SamSam Cabdi Aadan, ayaa manta kulan socday muddo saacad iyo badh ah xafiiskiisa kula yeeshay Wasiirka waxabarshada sare ee wadanka Masar AL Daktoor .Husam Ciisa oo uu waheliyo ah wakiilka madaxa qaybta Qorsheynta waxbarashada iyo dhaqanka ee dalka Masar Al-Ustaad Dr. Mahamed Samir Xamse.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAKulankaasi oo ahaa kulan aad u mihiim ah waxaa lagu soo qaaday lagana wada hadlay arrimo khuseeya wax barashada iyo xaalada ardayda reer Somaliland ee wax ka barta dalka Masar iyo mashaakilka ka haysta si loo xalin lahaa iyo sidii loo heli lahaa deeqo wax barasho oo hor leh .

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta dhexe ee Wasaaradda Khaarajiga Somaliland, “Waxa Wasiirka arrimaha dibedda iyo Wasiirka wax barashadaSsomaliland ay u bandhigeen arrimo ku saabsan deeqda waxbarasho ee dalka Masar u siiyo Somaliland taas oo ardaydii ugu horeysay oo 10 ah ay dhawaan iman doonaan dalka Masar oo Wasiirka wax barashada sare ee dalka Masar balan qaaday in ay si dhakhso ah ay dalka iman doonaan iyaga oo ku socdaalaya Baasaboorka Somaliland.

OLYMPUS DIGITAL CAMERADhinaca kale waxaa wasiirka wax barashada sare ee Masar balan qaaday in Masar ay somaliland siin doonto deeqo wax barasho oo u gaar ah Somaliland.

Kulankan oo ku dhamaaday jawi dagan iyo is afgarad buuxa wuxuu ka dhacay xafiiska Wasiirka wax barashada sare ee dalka Maser iyada oo weftiga Somaliland ee u hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibeddu ay balamo dhawr ah oo kale la leeyihiin laamaha kale duwan ee dawladda,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net