Qaadka lama joojin karo, laakiin ma la Basrin karaa?! – Faarax Maxamed

qaadkaHorraantii bishii September kal hore intii aan dib loo furin madaarka Hargeysa ayaa subax hore basas nalagu soo daabulay annagoo ku sii jeedna Berbera halkaasoo aanu ka sii dhoofaynay. Rakaab kala duwan ayaa basaska iyo gaadiidka kaleba ka buuxay.

Intii jidka lagu sii jirey ayaa waxa indhahaygu qabteen, arrin aan horeba dalka ugu arkay laakiin markan waxay tahay mooye aan ka jeesan waayey oo ku dhaygagay. Waxad aad ugu fiirsato inta badan wax baa kaaga baxa.

Waxa ka mida ahaa dadkii baska la socday dhalinyaro isu muuqaal dhow, laf dhaadheer oo dhuudhuuban waxay kilkisha ku siteen laamo dhaadheer oo jaad ah. Markii hore waan iska dhaafay oo uma sii fiirsan, goor danbe ayuu baskii istaagay, kuna hakaday tuulo yar oo ka mid ah kuwa ku taxan jidka dheer. Dadka badankiisu quraac iyo shaah ayuu u degay. Laftaydu waa soo degay. Weli waa goor hore 8 deedii iyo 9 ka dhexdoodii ayey saacadu ahayd. Cadceed durba diiraan ayaa dhinaca bari ka soo toostay. Waxan mar kale arkay dhalinyardii hore ishaydu ugu dhacday oo intii hore ka soo batay, jaadkiina weli sita. Ma hubo in ay quraacdeen iyo in kale.

Markii la quraacday ee dib baskii loogu noqday ayaa nin isna debeda ka tegay oo wax badani ku cusubaayeen sidayda, xog iga siiyey dhalinyaradii oo markaa iyagu weli daafta hoose taagan, si farxad lehna u sheekaysanaya xabbado sigaar ahna isu dhiidhiibaya; waxa uu igu yidhi saaxiibkaygii oo kursiga iga horeeya fadhiyey ; ‘Nimankani waa ciyaartoy reer Jabuuti ah oo ka soo qayb galay tartan kubbada koleyga ah oo Hargeysa lagu qatay’. Oo jaadkan ay hammuunta u qabaan arooryada hore isna muxuu ahaa?! Kaas oo ilaa intii aan baska saarnaa igu mudnaa. Waayo keligood ayaa raamsanayey ama saani loo arkayey wax barqadaa barjeynaya.

Waxa uu iigu daray Jaboouti Jaadku gelinka hore ma yimaado badiyaa, saacadaha shaqadana lama cuno, way iska basriyeen, gelinka danbe laftiisa gabbalka looma rido ee makhribka hortiisaa laga dareeraa. Sidaa darteed fursadan ayey ka gaadhsiinyaan. ‘Haye’: marka inta ay jidka ku sii jiraan ayey ka noolayaan kan aan isagu waqtiga lahayn ee meel walba daadsan, waaberi, subax, galab iyo habeen xilligaad u baahato waad ka helay Somaliland.

Jabbuuti waxa weli ka jira sharci shaqada iyo waqtigeeda dhawra, sidaa awgeed gelinka hore cidi ma qayisho. ‘Haye; dhulka kale ee soomalidase waqti cayiman ma laha; waa kow; waa sidaa arinku ayuu ku soo afjaray’ sheekadii dhalinti reer jabbuuti iyo laamihii jaadka ahaa ee iga yaabiyey.  Isla markii waxa igu dhashay feker ah tolow Jaadkiii Hargeysa subaxa hore lagu quraacan jirey ee magaca la iigu sheegay (waan  ilaabay magiciisii) goorma sidaa Jabbuuti la joojin doonaa. Waxan kaloo dad ka maqlay iyaga oo leh beri samaadkii khamiista oo keliya ayaa la qayili, jirey!, burburkii ka dib se waqti ma leh. Salaada hore badeecada suuqa ugu hortimaada waa Jaad. Halka lagu iibiyo marka uu soo dhaco waxad moodaysaa in la isku dilay, sida xarunta ka soo horjeeda Tiyaatarkii hore.

Laba saacadood oo kale in ku dhow ka dib ayaan Berbera soo gaadhnay. Basaskii waa laga wada hoobtay, dadkiina gudahay si habqan ah u galeen. Anniguse debadaan saf dheer galay waxan is lahaa nidaamka ilaali, kaasoo aan in badan oo ila socotay dan ka gelin. Kuwii ugu danbeeyey ayaa ugu hor galay! Inkastoo markii danbe aan gudaha isugu wada nimid.

Dib uma arag dhalinyaradii reer Jabbuuti, markaan hoolka nasashada soo galay ayey ka sii baxayeen iyagoo ku sii jeeda xaggaa iyo dalkoodii sharcigu ka jiray, anna diyaaradaydii ayaan sugay anigoo niyadda ka jecel in geedkaa si uun loo xakameeyo ama la isaga basriyo sida dalka Jabbuuti ee deriska lala yahay.

 

 

Faarax  Maxamed