Qaabkii ay u Dhacday Muddo-kordhin Isbarkan Oo Golaha Guurtidu U Samaysay Xukuumadda iyo Golahooda

Hargeysa (SLpost)- Golaha Guurtida, ayaa maanta muddo-kordhin laba sanno ah u kordhiyey madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Fadhigii Saaka ee Golaha Guurtida oo ay goob-joog ka ahaayeen 74-xildhibaan oo ka mid ah 82-ka mudane ee Golahaasi ka kooban yahay, waxa ay sidoo kale Golaha Guurtida qalinka isugu duuceen muddo-kordhin Shan sanno.