Qaabkee ayuu u dhacay Qaraxii Khasaaraha badan Geystay ee Maanta gil-gilay Baydhabo? (SAWIRRO)

Baydhabo (SLpost)- Ugu yaraan 13 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen, 25 kalena ku dhaawacmeen, Qarax ismiidaamin ah oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, 13-ka ruux ee ku naf-waayay qaraxaas ayaa la sheegay inuu ku jiro ruuxii qaraxaas fuliyey.

SAWIRRO (6)Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ku jiraan shan ka mid ah shaqaalihii xarunta shirkadda Dahabshiil ee Baydhabo, halkaasoo uu ku sugnaa Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulka lixda gobol ee Koonfur-galbeed Soomaaliya ee bishii hore magaaladaas lagaga dhawaaqay Cabdifataax Maxmaed Geesey oo la filayo in weerarkaas lagu bartilmaameedsaday isaga.

“Qaruxu wuxu ahaa mid xooggan, waxaanan arkay dhimashada 12 qof oo ay ku jireen laba ka mid ah ilaalada Cabdifataax Geesey, dadka kale ee dhintayna waxaa ka mid ahaa shan ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda Dahabshiil iyo dad rayid ah oo qaarkood shirkadda lacago ka qaadanayeen.” Sidaa waxa yidhi Weriye ka hawlgala magaalada Baydhabo oo warbaahinta faahfaahin ka siiyey sida wax u dhaceen ee uu goob-joogga u ahaa.

Sidoo kale, Weriyaha ayaa sheegay in Cabdifataax Geesey aanay waxba ka gaadhin qaraxaas naf ahaantiisa, iyadoo goobta oo dhan ay xidheen Ciidammada dowladda Soomaaliya ee Baydhabo ku sugan, waxaanu sheegay in qaraxu uu geystay burbur xooggan.

“Weerarkan ismiidaaminta ahi wuxuu saameyn aad u xooggan ku yeeshay marka laga soo tago adeegyadii korontada iyo isgaadhsiinta magaalada, runtii qaraxani wuxuu ahaa kii ugu xoogga badnaa oo ka dhaca Baydhabo sannadkan 2014-ka.” Sidaa ayuu yidhi Weriye Hiiraan u jooga Baydhabo oo xaaladda magaalada ka soo warbixiyey qaraxa ka didb.

SAWIRRO (4) SAWIRRO (3) SAWIRRO (2) SAWIRRO (1)Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxaas, iyadoo mas’uulka weerarka lagu bar-tilmaameedsanayay aanu weli isaguna ka hadal, iyadoo qaraxa uu ahaa mid lagu fuliyay gaadhi noociisu ahaa TOYOTO NOAH oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa.

Dhaawacyadii ka dhashay qaraxan ayaa la dhigay Cusbitaalka weyn ee Baydhabo, iyadoo uu soo sheegayo, si halkaas loogu daweeyo, waxaana Cusbitaalka iyo hareerihiisa buux-dhaafiyey sida lagu soo warramayo ehelada dadka ku dhaawacmay weerarkaas araggixisannimo ee maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.

 

SOMALILANDPOST.NET