Qaab Noocee ah ayay Warbaahinta Caalamku u tabisay Laba Qodob oo ku biiray Guulaha Dibloomaasiyadeed ee Somaliland hanatay?

 

Warbaahinta Caalamka ayaa si aan hore loo arag warbixinno kala duwan oo saamayn xooggan yeeshay isla markaana kor u qaaday sumcadda iyo magaca dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka qoray todobaadkii u dambeeyey, kaddib markii xukuumadda Madaxweyne Biixi u suurto-gashay hirgelinta tallaabooyin lagu tilmaamay in loo hore loogu qaaday dhinacyada diboomasiyadda iyo Dhaqaalaha.

Arrimaha ugu waaweyn ee todobaadkii u dambeeyey warbaahinta caalamku ka qortay Somaliland, ayaa kala ah Xidhiidhka ugubka ah ee u furmay dalalka Somaliland iyo Taiwan iyo Saamaynta ka dhalatay, daah-furka xafiiska Somaliland ee Taipei iyo heshiis xukuumaddu shirkad ajaanib ah kula gashay maalgelinta Haamaha Keydka Shidaalka Berbera iyo keenista shidaalka oo ay la wareegtay. Shirkaddan oo lagu magacaabo Trafigura ayaa laga leeyahay dalka Switzerland balse fadhigeedu yahay dalka Singapore.

Qodobka ugu xiisaha badan ee warbaahinta Caalamka sida ugu xooggan u qaadaa-dhigtay isla markaana si weyn looga dareemay, saamayntana ku yeeshay farsamada Techology-yada baadi-doonka wararka ee shirkadaha Google, ayaa noqday furitaanka xafiiska dibloomasiyadeed ee Somaliland ka furatay dalka Taiwan, waxaana ugu badnaa oo qodobkan siyaabo kala duwan u faaqiday warbaahinta reer Galbeedka, kaddib markii Dalweynaha Jamhuuriyadda Shuuciga ah ee Shiinuhu si ba’an uga soo horjeesatay xidhiidhka ugubka ah ee ay is-weydaarsadeen Somaliland iyo Taiwan.

Warbaahinta reer Galbeedka ee sida weyn u faaqidday saamaynta uu leeyahay iyo faa’idada laba waddan ugu jirta xidhiidhka ugubka ee u furmay waxa ka mid ah qaar ka mid ah Jariiradaha iyo Telefishannada ugu afka dheer dalalka reer Galbeedka, gaar ahaan Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska.

Saamaynta ka dhalatay Xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland

Go’aanka rasmiga ah ee lagu yagleeyey bilowga xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan ayaa ka dambeeyey kulan 26-kii February ee sannadkan magaalada Taipei ku dhexmaray wasiirrada Arrimaha dibadda ee labada waddan, kaas oo ay heshiis rasmi ah ku kala saxeexdeen Md Yasin Xaaji Maxamuud (Faratoon) Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo dhiggiisa dalkaas Joseph Wu.

Sida aanu ka soo xigannay warbixin uu qoray Wargeyska Washington Post, bishii July ee Sannadkan oo labada waddan shaaciyeen heshiiska ah inay is-weydaarsanayaan xafiisyo, waxa arrintan ka hadlay Afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha oo lagu magacaabo Zhao Lijian oo Taiwan ku eedeeyey inay wiiqayso Qaranimada iyo Midnimada Soomaaliya.  “Shiinuhu wuxuu si adag uga soo horjeedaa Taiwan iyo Somaliland inay samaystaan xidhiidh wakaaladeed rasmi ah oo ay isweydaarsadaan,” sidaas ayuu yidhi Afhayeenka

Haseyeeshee, Dowladda Taiwan, ayaa hadalkaas kaga jawaabtay tallaabo ay ku fulinayso heshiiska labada dhinac kaddib markii ay xafiis ka furteen magaalada Hargeysa munaasibad ay goob-joog ka ahaayeen wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland iyo Wakiilka Taiwan u soo magacowday xafiiskooda Hargeysa.

Tallaabadaas ayaa dhalisay inay si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabtaan magaalada Muqdisho safiirka Shiinaha ee Soomaaliya iyo madaxweynaha dalkaas, kuwaas oo cambaareeyey xidhiidhka cusub ee labada u furmay.

Dhinaca kale, Jariiradda Daily Telegraph oo ka soo baxa caasimadda dalka UK ee London, ayaa warbixin uu ka diyaariyey xidhiidhka u furmay Somaliland iyo Taiwan ku soo qaatay tallaabooyinka ay arrintan kaga fal-celisay dowladda Shiinuhu oo si xooggan uga soo horjeesatay.

Warbixin ay jariiraddu qortay 7-dii bishan, ciwaanna uga dhigtay; “Muxuu Shiinuhu uga werwerayaa iskaashiga cusub ee Somaliland iyo Taiwan?” ayaa lagu sheegay in Shiinuhu doonayo inuu isagoo soo dhex maraya dawladda Soomaaliya uu dhoolatus milatari ka sameeyo xeebaha Somaliland, sida laga soo xigtay khabiir arrimaha ammaanka Geeska Afrika ku takhasusay oo in magaciisa la xuso ka gaabsaday.

“Shiiinuhu inta uu tegay Muqdisho ayuu yidhi waa sidee xaalka ilaalinta aad ku samaysaan baddiina dhinaca woqooyi? Aannu idinka caawinno inaad sidaas samaysaan. Waa arin si buuxda loogu adeegsan karo gorgortan isla-markaana ah xirfad daan daansi ah inuu maraakiibtooda ka keenno Jabuuti,” sidaas ayuu Khabiirkani u sheegay jariiradda Daily Telegraph.

Furitaanka Xafiiska Somaliland ee Taiwan

Jariiradda Washingtonpost oo ka soo baxday caasimadda dalka Maraykanka, ayaa warbixin ay ka diyaarisay saamaynta uu yeeshay xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland iyo furitaanka Xafiisyada ay is-weydaarsadeen ku soo qaadatay fal-celinta dowladaha Shiinaha iyo Somaliya oo lagu tilmaamay inay ku kala duwan yihiin mowqifyadooda ku aaddan aayo-ka-tashiga labada Jamhuuriyadeed ee curdinka ah.

Jariiradda oo warbixinteeda ciwaan uga dhigtay, “Somaliland oo Xafiis ka furatay dalka Taiwan ee dibloomaasiyadda laga go’doomiyey”, taas oo ay ku xustay farqiga u dhexeeya xaaladda dibloomasiyadeed ee labada waddan.

“Taiwan waxay xidhiidh dibloomasiyadeed oo rasmi ah la leedahay 15 waddan, balse Shiinuhu wuxuu u arkaa inay tahay qayb ka mid ah dhulkiisa, halka Somaliland caalamku u aqoonsan yahay inay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya oo ay ka go’day 1991-kii xilligaas oo Soomaaliya gashay dagaalo sokeeye oo salka ku haya qabiil iyo argagixiso ay ilaa hadda ku jirto.” Sidaas ayuu wargeysku ku sheegay warbixintiisa oo sidoo kale ku xusay inay Somaliland ka nabad-gashay qalalaasaha iyo weerarrada argagixiso ee regaadiyey Soomaaliya.

Warbixinta Wargeyska waxa kale oo lagu yidhi, “In kasta oo Taiwan iyo Somaliland aanu midkoodna aqoonsi ka haysan Qaramada Midoobay, haddana waxay labadoodaba samaysteen dawlado madaxbanaan oo madaxda la doorto, lacago ay gaadh u leeyihiin iyo hay’adaha amniga”.

Wargeysku wuxuu warbixintiisa ku sheegay inuu Shiinuhu mar kasta sameeyo tallaabooyin uu ku xakamaynayo in Taiwan xidhiidh la samayso waddan kale isagoo adeegsanaya awooddiisa dhaqaale, balse ay u suurtoobi weyday inuu Somaliland culays ku saarto joojinta xidhiidhka Taiwan, kaddib markii Safiirka Shiinaha ee Muqdisho socdaal ku yimi Hargeysa, dhaqaalena ugu yaboohay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku gacan-saydhay qorshahaas.

Warbixinta oo ka hadlaysay kala duwanaanshaha Mowqifyada Dowladaha iyo Xidhiidhka u dhexeeya  Qowmiyaha Soomaalida iyo Shiinaha ee ku kala dhaqan Afarta Waddan ee Somaliland, Soomaaliya China iyo Taiwan, ayaa lagu yidhi,  “Halka Soomaaliya iyo Somaliland ay dhowaan dib u bilaabeen wadahadalkooda, Shiinuhu waxa uu diiday dhammaan xidhiidhada tooska ah ee uu la lahaa dowladda Taiwan tan iyo markii la doortay haweenayda Madaxweynaha ka ah ee Tsai Ing-wen sanadkii 2016. Tsai oo u ololeysa madax-bannaanida Taiwan, waxaa mar kale dib loo doortay sannadkan.”

Muuq-baahiyeyaasha ugu Caansan adduunka ee baahiyey warka furitaanka Xafiiska Somaliland ee Taiwan, waxa ka mid ah telefishanka France24 oo qodobbada wararka dhacdooyinka maalinlaha ah ku soo qaatay dhacdadan isla maalintii la daah-furay xafiiska oo ku beegnayd 9-kii bishan September. Weriyihii tabinayay warka dhacdadan ee fadhiyey Studio-ha telefishanka oo haweenay ahayd, ayaa qodobka warkan ku furtay, “Jamhuuriyadda madax-bannaanideeda la soo noqotay ee Somaliland, ayaa ku tallaabsaday dibloomaasiyad taariikhi ah kaddib markii maanta caasimadda Taipei ka furatay safaarad rasmi ah. Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa cambaareeyay iskaashiga Taiwan iyo Somaliland”, sidaas ayuu baahiyaha telefishanku.

Warbaahinta Soo tebisay warka furitaanka xafiiska Somaliland ee Taiwan, waxa ka mid ah jariiradda ugu afka dheer warbaahinta reer Bariga ee South China Evening post oo laga leeyahay dalka Shiinaha, taas oo warbixin qoraal iyo Muuqaal ah ka baahisay munaasibadda lagu daah-furay xafiiska Somaliland.

Wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AP ayaa la warbixinno kala duwan oo ay xigteen isla markaana qaateen warbaahinta kala duwan ee Caalamka.

Heshiiska Somaliland iyo Shirkadda Trafigura

Dhacdada kale ee saxaafadda caalamku sida weyn u qaadaa dhigtay ayaa ah heshiis xukuumadda Somaliland kula gashay shirkad ajaanib ah casriyeyna Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera iyo keenista Shidaalka oo Kooto loogu xidhay. Shirkadda oo lagu magacaabo Trafigura oo laga leeyahay dalka Switzerland balse fadhigeedu yahay Singapore, ayaa dhawaan dekedda Berbera keentay markabkii ugu weynaa ee Shidaal sida ee taariikhda inta la ogyahay ku soo xidha dekeddaas.

War-saxaafadeed ay shirkaddu soo saartay, ayaa lagu sheegay inay maalgelin ku samaynayaan Haamaha Keydka, Shidaal tayo leh oo qiimo jabanna keenayaan si ay uga iibiyaan shirkadaha maxalliga ah ee ka ganacsada. Waxa ay shirkaddu sheegtay in maalgeshigooda Haamaha Shidaalku ay suurto-galinayso inay Dekedda Berbera noqoto marinka ganacsiga ee ugu muhiimsan mandaqadda Geeska Afrika.

“Heshiiskani wuxuu suurto-galinayaa inay Somaliland fursad u hesho inay hesho shidaal taya leh oo waafaqsan heerarka tayada badeecadaha laga soo dejiyo suuqyada gobolka sida Itoobiya iyo Jabuuti oo tayadoodu sareyso,” sidaas ayaa war-saxaafadeedka shirkadda lagu sheegay.

Warbaahin tiro badan ayaa siyaabo kala duwan wax uga qoray heshiiskan, kuwaas oo qaarkood sheegeen in marka laga yimaaddo faa’idada ay Somaliland u leedahay ay haddana muhiiimad gaar ah u leedahay Mandaqadda Geeska Afrika iyo Ganacsiga shirkadda.

Majaladda AfricanReport, ayaa warbixin ay qortay ciwaan uga dhigtay, “Maalgeshiga Trafigura ee Somaliland waa Guul u soo hoyatay Ethiopia”, taas oo majaladdu ku sheegtay inuu bilaabmay loollan loogu jiro gacan-ku-haynta dariiqyada dhinaca badda Shidaalku u soo maro Ethiopia.

Majaladdu waxa ay Warbixinteeda ku bilowday; “Loolanka loogu jiro inay Itoobiya hesho marin uu shidaalku u soo maro ayaa socda. Mas’uuliyiinta Jabuuti waxay 3-dii September dhagax-dhigeen dhismaha Haamo Shidaal oo laga dhisayo Dekedda Dameer-Joog ee dalkaas. Sidoo kale, Trafigura ayaa 7-dii September ku dhawaaqday inay maalgelinayso Haamaha Shidaalka ee Dekedda Berbera. Shirkadda DP World oo khilaaf u dhexeeyo dowladda Jabuuti, ayaa maalgeshi dhan $442 Milyan ku samaynaysa Dekedda Berbera oo ah meesha ugu muhiimsan ee marinka ganacsi u ah Koonfurta dalka Ethiopia.” Sidaas ayaa warbixinta lagu sheegay.

Waxa warbixinta lagu sheegay in Trafigura ay haysato heshiis ay shidaalka ugu keenayso oo ay bishii July ee sannadkan la gashay shirkadda Ethiopian Petroleum Supply Enterprise oo haysata suuqa weyn ee shidaalka laga isticmaalo gudaha dalkaasi Ethiopia, waxaanay tani u suurto-galinaysaa inay keento boqolkiiba 60 Patrolka, boqolkiiba 50 Naaftada iyo boqolkiiba 25 shidaalka diyaaradaha ee laga isticmaalo gudaha dalka Ethiopia.

“Haddii kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland si wanaagsan loo horumariyo, Itoobiya waxay leedahay awood ay kula macaamisho labadeeda dal ee deriska ah. Dhinaca Jabuuti, ma jirto wax walaac ah oo laga qabo marka loo eego xagga Somaliland oo hadda uun ay bilow tahay. Xaaladda Immika taagan, Jabuuti ayaa u muuqata inay ka faa’idaysanayso maxaa yeelay waxay kaga horaysaa dhinaca kaabayaasha Dhaqaalaha,” sidaas ayaa lagu yidhi Warbixinta Majaladda AfricanReport.

Warbaahinta dalka Taiwan, ayaa warbixinno ku soo qaatay heshiiskan iyo faa’idada uu u leeyahay Somaliland. Majaladda TaiwanTimes oo is-waafajinaysa xidhiidhka dibloomasiyadeed ee Taiwan iyo Somaliland iyo fursadda maalgeshi ee ku soo kordhay kaabayaasha dhaqaalaha ee Dekedda Berbera,  waxa ay xustay heshiisani Somaliland fursad u siinayo deggenaansho ku yimaadda sicirka shidaalka.

 

Khadar Iid Kaariye
Somalilandpost.net
Editor@somalilandpost.ne