Qaab Noocee ah ayaa Somaliland looga oogay Xuska Todobaadka Dhagoolayaasha Adduunka?

 

Hargeysa (SLpost)- Xuska Todobaadka Bulshada Maqalka Naafada ka ah ee Adduunka, ayaa Arbacadii shalay loogu dabbaal-degay munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Munaasibadda loogu dabbaal-degay Xuska Todobaadka Dhagoolayaasha Adduunka oo uu soo agaasimay Ururka Bulshada Maqalka ka Naafada ah ee Somaliland (SODA), ayaa ku qabsoontay Hudheelka Crown ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka qaybgalay boqolaal dhalinyaro Maqalka ka Naafo ah oo ka socday xaafadaha iyo degmooyinka Hargeysa, Xulalka Ciyaaraha kubadda Cagta ee Kooxaha Maqalka ka Naafada ah ee Gobollada Maroodijeex, Togdheer iyo Awdal iyo Kooxaha Ciyaaraha Hiddaha & Dhaqanka ee Ururkan SODA, Bulshada Maqalka ka Naafada ah. Waxa iyaguna kala qaybgalay Masuuliyiinta dowladda, Axsaabta Qaranka, Hay’adaha Samafalka Wadaniga ah, kuwa Caalamiga ah, Wakiillo ka socday Shirkadaha Ganacsiga iyo Adeegyada Bulshada, Xubno ka socday Bahda Dhaqanka, Xubno ka mid ah Qurbajoogga. Warbaahin tiro badan oo maxalli, waalidiinta dhalay carruurta Maqalka ka Naafada ah,  qaarka mid ah Waalidiinta dhalay carruurta Maqalka ka Naafada ah iyo marti sharaf kale oo ka socday qaybaha bulshada Somaliland.

Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha JSL, Mudane Boos Mire Maxamed oo ugu horrayn u hambalyeeyay Bulshada Maqalka ka Naafada ah Xuska Todobaadka Dhagoolayaasha ee Addunka, isla markaana xusay inay sharaf weyn u tahay Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha JSL martigelinta Koobka Kubadda Cagta ee Xulalka Kooxaha Maqalka ka Naafada ah ee Gobollada Maroodijeex, Togdheer iyo Awdal ayaa madasha ka ballan qaaday inuu ka hawlgeli doono waxka qabashada baahiyaha ay leeyihiin Bulshada Maqalka ka Naafada ah ee Somaliland oo illaa heer Madaxweyne uu gaadhsiin doono arrintooda. “Waxa aan ka ballan qaadayaa ballan qaad gaar ah oo wixi aan halkan ku arkay iyo baahiyadiinna iyo halka ay marayaan inaan qoraal gaar ah ugu gudbiyo Madaxweynaha JSL ama aniga ha i khuseeyaan ama cid kale ha khuseeyaane iyadoo qoran oo urursan ayaan u gudbinayaa Madaxweynaha.”

Guddoomiyaha Ururka SODA Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Axmed ayaa ka warbixiyay ujeedooyinka u u taagan yahay Ururkan Dhagoolayaasha Somaliland oo la aas’aasay 2016kii, hawlaha u qabsoomay mudadii uu jiray iyo guulaha uu gaadhay, baahiyaha mudnaanta leh ee bulshada Maqalka ka Naafada ah, ujeedooyinka ay ka leeyihiin qabashada Xafladdan Sannadlaha ah ee Xuska Todobaadka Dhagoolayaasha Adduunka, isla markaana talooyin usoo jeediyay Dawladda iyo qaybaha bulshada rayidka ah sidii loo xaqiijin lahaa xuquuqaha aas’aasiga ah ee ay leeyihiin bulshada Maqalka ka Naafada ahi balse haddeer aanay gaadhin.

Guddoomiyuhu wuxu u mahad celiyay dhammaan dadkii, hay’adihii iyo shirkadihii ka gacan siiyay ama si uun uga qayb qaatay qabashada Xafladan kuwaasoo ay  ugu horreeyaan Waaxda Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda JSL oo had iyo jeer dhiirrigelisa Barnaamijka Rajo Gelinta Naafada ee Doorka Qurbajoogga, Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska & Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare JSL, Baanka Dhexe JSL, Madbacadda Qaranka JSL, Dalladda Hay’adda Save The Children, Haweenka Qaranka ee NOW, Hay’adaha Samafalka Wadaniga ah ee AL-RAXMA, SODFA, Shirkadaha Daabacadaha Somaliland ee Tayo, Dheeman & SagalJet, Shirkadaha HASS  Petroleum, Somcable, Sompower, Premium Bank iyo Mutadawaciin Shakhsiyaad ahba.

Hana Ali Jirde oo ka tirsan Gudida Ururka SODA, isla markaana qaabilsan Garabka Haweenka ayaa iyaduna si xamaasad leh uga hadashay caqabadaha haysta dhalinyarada Maqalka ka Naafada ah gaar ahaan xagga waxbarashada, fursadaha shaqada iyo  mustaqbalka nolosha. Xubnaha kale ee Gudida Ururka SODA ee iyaguna madasha ka hadlay ayaa dhammaantood tilmaamay sida loogu baahan yahay in la tixgeliyo baahiyaha iyo xuquuqaha ay leeyihiin bulshada Maqalka ka Naafada ah ee Somaliland qaran ahaan, la horumariyo Manhajka Waxbarashada inuu noqdo mid dheellitiran (Inclusive), la aqoonsado, lana horumariyo Luuqadda Suul-Dhabaalaha (Sign Language) xagga waxbarashada iyo adeegyada bulshada ee aas’aasiga ah  guud ahaan.

Waxa aad iyo aad loogu mahad celiyay, lagu bogaadiyay, laguna amaananay Maamulka Jaamacadda Caalamiga ah ee BEDER ee garawsaday inay markaliya 30 arday dhagoolayaal ah ugu deeqaan waxbarasho heer jaamacadeed iyo doorka wada shaqayneed ee Wasaaradda Waxbarashada & Saynisku hawshaas ku leedahay, waxana la dhiirrigeliyay inay Jaamacadaha kalena kaga daydaan BEDER garashada fiican iyo horumarinta dhalinayrada Maqalka ka Naafada. Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee BEDER, Garyaqaan Mubaarik Ibraahim Aar  ayaa munaasibadda ka sheegay inay dadaalkaas sii xoojinayaan, waxanu ugu baaqay dhammaan bahda Waxbarashada iyo qaybaha bulshada in wax la taro bulshadan  oo lagu dhiirrado wax u qabadkooda shacab iyo dawlad ba Dalka JSL.

Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha ee Jaamacadda Hargeysa, Barafasoor Axmed Yuusuf Goolcadde ayaa isaguna halkaa kaga dhawaaqay hadal farxad geliyay Dhalinyarada Maqalka ka Naafada ah isagoo daaha ka qaaday inay Jaamacadda Dawladda JSL ee Hargeysa ku hawlantahay dadaallo bilaw ah oo lagu dhiirrigelinayo in haatan wixii ka dambeeya ay Jaamacaddu fursado ku habboon oo waxbarasho u diyaarinayaan ardayda Maqalka ka Naafada ah ee Dalkan JSL. Wakiilka ka socday Jaamacadda ADMAS ayaa isaguna dhinaciisa ku ballan qaaday inay tababarro xirfadeed ku habboon ku taageeri doonaan  dhalinyarada & ardayda Maqalka ka Naafada ah iyagoo kaashanaya Xarunta Jaamacadda ee Addis Ababa xagga barayaasha iyo farsamada.

Dhinacyada kale ee iyaguna ka hadlay Munaasibadda, isla markaana soo dhaweeyay wada shaqaynta iyo inay tixgelinayaan wixii ay ka qaban karaan baahiyaha bulshada Maqalka Naafada ka ah waxa ka mid ahaa Dalladda Dhalinyarada SONYO, Ururka NOW, Hay’adda AL-RAXMA, Shirkadda Isgaadhsiinta SOMCABLE iyo Baanka Premium Bank.

Guud ahaan Masuuliyiinta ka socotay Dawladda, Axsaabta iyo Jaamacadaha Somaliland gaar ahaan BEDER, Jaamacadda Hargeysa, Jaamacadda ADMAS, jaamacadda Islaamic Online, Hay’adaha Khayriga iyo shakhsiyaadka kale madasha ka hadlay oo aad ugu bogaadiyay Ururka Dhagoolayaasha qaban-qaabada wacan ee Munaasibadda, farxadda & jawiga quruxda badan, isku duubnaanta iyo isku kalsoonaanshaha ka muuqday dhalinyarada Maqalka ka Naafada ah ee ka soo qaybgalay Xafladda; ayaa dhammaantood ugu baaqay bulshada Somaliland, shacab iyo dawlad ba in lagu baraarugo arrimaha bulshada qaba baahiyaha gaarka ah ee dadka Maqalka ka Naafada ah iyo kuwa Araga ka Naafada ahiba ku jiraan.

Waxa ugu waaweynaa ama ugu muhiimsanaa afkaarta la soo jeediyay iyo ama istaraatiijiyadaha lagu talo bixiyay in magacaabista Agaasin Guud ama Koomishan u gaar ah dadka baahiyaha gaarka ah qabaa uu wax weyn ka bedeli karo xaaladda, dheellitirka mahnajka waxbarashada, dheellitirka adeegyada bulshada, shaqo gelinta iyo in laga taageero xagga xirfadaha farsamada iyo tiknoolajiyadda iyo adeegga isgaadhsiinta oo gaar ahaan loo soo jeediyay inay  Shirkadaha Isgaadhsiinta Dalku ka dhaafaan lacagta dirista farriimaha (SMS charges) iyo/ama Internet-ka. Waxa loogu baaqay Xukuumadda JSL iyo guud ahaan qaybaha bulshada Dalka JSL in la dhagaysto codka Bulshada Maqalka ka Naafada ah sida uu Halku-dheeggooda Xuska sannadkani ka turjumayo.

“Waxan jeclaan lahaa inaan Madaxweynaha JSL si shakhsi ah aan uga codsado maadaama dadkani baahiyo gaar ah qabaan haddaan wasaarad u gaar ah loo samayn karayn in Agaasime u gaar ah oo Madaxtooyada ka tirsan oo Madaxweynaha hoos taga oo mashaakilaadkooda iyo codkooda qaada oo halka ugu sarraysa gaadhsiiya  loo magacaabo,” ayuu yidhi Cabdikariim. 

Gebogebadii Xafladda, Ururka Dhagoolayaasha Somaliland ee SODA wuxu guddoon siiyay shahaado sharafyo abaal marin ah Masuuliyiin, Shakhsiyaad iyo Hay’ado (Institutions) kala duwan ay u aqoonsadeen inay ahaayeen dadkii iyo dhinacyadii ugu waxqabadka, taageerada, talada, iyo wada shaqaynta iyo badnaa Ururkan SODA iyo guud ahaan danaha iyo baahiyaha bulshada Maqalka ka Naafada ah ee Somaliland sannadkii hore iyo sannadihii ka horreeyayba siyaabo kala duwan. Waxa kale oo ururku guddoon siiyay Shahaado Sharafyo lagu maamuusay xubno ka mid ah Gudida Ururka, Xubno ka mid ah Turjumaadda inta badan garab taagan ee wakhtigooda u hura, iyo xubno kale oo Maqalka ka Naafa ah oo loo aqoonsaday inay ugu shaqo badnaayeen ama ugu waxtar badnaayeen bulshada Maqalka ka Naafada ah ee Somaliland.