Puttin oo si rasmi ah u aqoonsaday Dowlada Madaxabanaan ee Crimea

Russia(SLPOST)Madaxweynaha Ruushka Vladamir Puttin ayaa shalay gelinkii danbe qalinka ku duugay aqoonsiga Ruushka u fidinayo maamulka gobalka Crimea oo ay u aqoonsadeen dowlad madax banaan.

puttin_aqoonsiCrimea

Aqoonsiga Ruushka ee maamulka Crimea ayaa albaabad u fureysa in maamulkaasi uu ku biiro Federaalka Ruushka, qorshahaasi oo hada horyaal baarlamaanka Ruushka.

Aqoonsiga Puttin u fidiyey maamulka Crimea ayaa u muuqata inuu Madaxweynaha Ruushka uga jawaabayo go’aankii Maraykanka iyo Midowga Yurub ay cunaqabateynta ku saareen 21 xubnood oo kamid ah siyaasiyiinta xidhiidhka dhow laleh Madaxweynaha Ruushka.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa shalay shaaciyey in dalkiisa cunaqabteyn saarayo 11 xubnood oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobalka Crimea, Siyaasiyinta ku dhaw Madaxweyne Puttin iyo waliba Madaxweynihii hore ee Ukraine Viktor Yanakovich.

Obama ayaa sheegay in cunaqabateyntan ay tahay mid bilow ah, isla markaana hadii Ruushka aanu dib uga noqon farogelinta Crimea in ay soo rogi doonaan cunaqabateyn dheeraad ah.

Midowga Yurub ayaa dhankooda sidoo kale cunaqabateyn saaray 21 xubnoo oo isugu jira Ruush iyo xubno kamid ah maamulka Crimea, oo laga mamnuucay inay safar ku tagi karaan Wadamada Europe, xayiraadna lagu soo rogay dhaqaalahooda ka yaal wadamadaasi.

DmitryRogozin-400x225

DmitryRogozinRaysalwasaare kuxigeenka Ruushka Mr.Dmitry Rogozin oo qaabilsan Warshadaha Hubka ee Ruushka kana mid ah xubnaha Maraykanka cunaqabataynta kusoo rogay ayaa bartiisa Twitterka ku qoray in wax Lagu Qoslo ay tahay cunaqabateynta Maraykanka, isagoo yidhi “…khudbadii Obama waxaan u maleenayaa waxaaba soo qoray nin Majaajiliiste ah….Saaxiibkey “Comrade @BarackObama” horta maka fekeray dadka aad cunaqabateyna saarteen in dhaqaale u yaalaan dalka Maraykanka?

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland