Puntland: Wasiir is-casilaaddiisu fashilisay Khilaaf Awood-Qaybsi oo u dhexeeya Madaxweyne Gaas iyo ku-xigeenkiisa

Garoowe (SLpost)- Wasiirkii Cadaaladda Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa iska casilay xilkii hayay Sabtidii maanta, kaddib markii madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi ay Isku-qabteen inuu xilka sii hayo iyo in kale.

Is-casilaadda masuulkan, ayaa daboolka ka qaadday khilaaf culus oo u dhexeeya madaxweyne Gaas iyo iyo madaxweyne-ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Cabdilaahi Camay, kuwaas oo la sheegay inay Isku khilaafeen awood-qaybsiga xukuumadda iyo isku shaandhayn la doonayo in lagu sameeyo Golaha Wasiirrada.

Faroole-iyo-CamayWasiirkii Caddaaladda Maamulka Puntland Mr. Ismaaciil Maxamed Warsame oo maanta war-fidiyeennada la hadlay, ayaa sababaha is-casilaaddiisa ku sheegay, “Waxa aan isku casilay waxa ay tahay waxaa la isku qabsaday in aan ka tago xafiiska iyo in aan joogo. marka si aanan u hor istaagin qorshaha isku shaandheynta, aniga ayaa tanaasulay, waayo ma aha in aniga la igu murmo oo darteyda loo xayiro isku shaandheynta la doonayo in lagu sameeyo Golaha Wasiirrada,” ayuu yidhi Wasiirkii Caddaaladda Puntland.

Masuulka is-casilay, waxa kale oo uu sheegay in madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisu isku khilaafeen qaabka isku shaandhaynta loogu samaynayo Golaha Wasiirrada, isaga oo xusay in xilkiisu qayb ka ahaa khilaafka u dhexeeya madaxda u sarreysa maamul-goboleedka Puntland.

warsame
Wasiirka Is-casilay

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland oo muddo laba sanno ku dhow hayey xilka madaxweybaha maamulkaas, ayaa la filayaa inuu Axadda Berri ku dhawaaqo Gole Wasiirro ah oo Cusub, kaddib markii dhaliilo wax-qabad la’aan iyo musuq-maasuq lagu eedeeyey Golihiisa wasiirrada ee hadda dhisan.

SOMALILANDPOST.NET