Puntland Oo Kordhinaysa Tirada Xubnaha Barlamaankooda

(SL.Post) Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in la kordhinayo tirada xubnaha Baarlamaanka Puntland, kaddib markii maalmihii la soo dhaafay ay isa soo tarayeen hadal heynta ku saabsan arrintan.

Cabdiweli Gaas ayaa hadalkan ka sheegay xaflad ka dhacday London oo ay qaban qaabiyeen Jaaliyadda Puntland, isagoo ka dhawaajiyay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ka dalbaday in la furo Baarlamaanka, si xubno lagu kordhiyo.

“Waxaa ka dalbaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland in lagu kordhiyo 7 xubnood, maadaama dadku ay 50% ay ka maqan yihiin, qabiilada qaarna waa ku jiraan, kuwana waa ka maqan yihiin.”ayuu yidhi Cabdiweli Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Baarlamaanka Puntland uu 19-sano uu ahaa sidii lagu aas aasay oo aheyd 66 Xildhibaan, isagoo balan qaaday Xildhibaanada ka maqan xuquuqdooda u raadin doono.

Baarlamaanka Puntland ayaa ah kan ugu yar ee Baarlamaanka dowlad goboleedyada dalka ka jira, iyadoo Baarlamaanka ugu badan uu yahay kan Koofur Galbeed, waxaa ku xigay Baarlamaanka Hirshabeelle, halka Baarlamaanka Galmudug uu yahay midka 3aad.

Hadii la kordhiyo tirada xubnaha Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa waxay noqon doonaa 73 Xildhibaan.

 

Somalilandpost.net