PUNTLAND: Guddoomiyihii Baarlamaanka oo Iscasillay

Garoowe(SLpost)-Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, waxaa saaka ku dhawaaqay inuu xilkii iska casilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland.

Siciid Xasan Shire oo Saxaafadda kula hadlay hooygiisa Magaalada Garowe, ayaa ku dhawaaqay inuu shaqada ka tagay, waxaana uu sababta ku sheegay saaka xarunta Baarlamaanka Puntland inay la wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Waxa uu sheegay inuusan garan karin sababta ciidamada ay ula wareegeen xarunta Baarlamaanka Puntland, laakiin arinta ay u muuqato mid carqaladeyn ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xildhibaano gaaraya 40 Xildhibaan Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ay ka gudbiyeen Mooshin ka dhan ah isaga, laakiin Mooshinka inta aan Baarlamaanka la isla tagin uu Guddoomiyaha iscasilay.

Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ku eedeeyay musuq maasuq iyo shaqo gudasho la’aan.