Prof Samater oo Ka Dhawaajiyey Mowqif Ka Dhan ah Xisbiyada Mucaaradka iyo Madaxweynaha Somaliland

Prof Axmed Ismaaciil Samatar Samater oo Shaaciyey Mowqif Ka Dhan ah Xisbiyada Mucaaradka iyo Madaxweynaha Somaliland oo isku khilaafsan Arrimaha doorashooyinka iyo Furista ururrada Siyaasadda.

Prof Samatar oo ah guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Hilaac, waxa uu sheegay in rabitaanka xisbiyada Mucaaradka ah ee ah in doorashada ururrada Siyaasadda dib loo dhigo uu caqabad ku yahay wada-jirka shacabka Somaliland, waxaanu ka digay in laga tallaabsado go’aammada sharci ee ka soo baxay hay’adaha Dastuuriga ah ee Dalka.

Muuqaalka Hoose ka daawo Prof Samater oo wax laga weydiiyey khilaafka ka taagan murankan siyaasadeed iyo sida uu u arko Xal iyo isu-soo-dhaweyn laga gaadhi karo khilaafka taagan.