Prof Ismaaciil Buubaa oo Dhalleecayn u jeediyey Mucaaradka Soomaaliya

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Prof Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan doorashada dalkaasi iyo muranka u dhexeeya siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Prof Ismaaciil Hurre Buubaa oo xilligan ka tirsan xisbiga mucaarad eee Waddani, waxa uu dhaleecayn u jeediyey Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Soomaaliya oo uu ku eedeeyey inay fad-qalalo ka abuurayaan dalkaas isla markaana waxyeello u geystaan nabadda aan lugaha adag ku taagnayn ee Soomaaliya.

Prof Buubaa oo maanta magaalada Hargeysa kula hadlay warbaahinta madaxa-bannaan, waxa uu Midawga musharixiinta Soomaaliya usoo jeediyay inay fawdada ka daayaan Soomaaliya, isagoo ku dooday in anay suuragal ahayn in Farmaajo xilka laga qaado iyadoo aan madaxwaynihi beddeli lahaa la dooran.

Prof Buubaa waxa uu sheegay in mudaxileedkii dowlada Soomaaliya uu dhammaday balse aanu Farmaajo kursiga banayn karin ilaa laga soo doorto dowladdii beddeli lahayd. Waxa uu Prof Buubaa Midowga Murashaxiinta ku eedeeyey inay qorsheeyeen sidii ay u ridi lahaayeen dowlada, balse ay taasi hadda u caddatay in aanay suuragal ahayn.