Prof Gees oo soo Jeediyey Qorshe Dawladda Turkiga Kalsooni lagaga Kasban Karo

Maxamed Siciid Gees

“Yurub Baan ka Gacan Haadiyaa Marakan Guurawee” – Q. 8aad – Maxamed Siciid Gees

Maxamed Siciid Gees
Maxamed Siciid Gees

“Faatax Cabdi waxa uu degganaa magaalo yar oo la odhan jiray Gacan oo ku taalla Xeebta Sanaag. Waxa uu ahaa ninkii ugu horreeyey ee timirta ku beeraa arlada Beri Soomaal, Timirtaas oo uu dhirta Cumaan ka keenay. Qoriga xatabka ee dhamaska iyo Faleenka (Maydiga, Beeyada & Falaxfalaxda) ayuu iyana dhoofin jiray.

Waxa uu xeebta ku haystay oo uu ku dhaqan jiray geel. Geela awrta iyo halaha si ayuu u wada raran jiray . Waxa maalin soo martiyey oo u yimid niman reer Oogo ah oo la xidid ahaa oo hore geel gabaati u siiyey. Nimankii waxay arkeen halihii irmaanaa oo qori xatab ah lagu raray, dabadeed Faatax Cabdi ayey u tageen oo ku yidhaahdeen; “Faataxaw Geelu waa hadlayaa.” Waxa uu nimankii ugu jawaabay “Haddii geelu hadlo waa lala hadli”

Waa tahay haddii Walaalaheen reer Soomaaliya hadal u diyaar yihii waa lala hadli. Labada dal ee hadda shirarka u qabanaya arrimaha dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Soomaaliyeed ee galbaday ee kala ah, Dawladda Turikaga iyo Dawladda Boqortooyada Midawday (UK), ayaa habboon in wax laga ogaado, waayo waa dalal waaweyn oo horumaray , oo magaalooyin camiran ayaa wafdiga la geynayaa, huteelo waaweyn ayaa lagu rogayaa, markaaba habrasho ayaa ku gelaysa, geedkii ma aha ee boodhka dabadda laga tumanyey ee la doonyeysanayey oo la wada sinaa ee aad gartaada naqsan jirtay. Waxa dhici karta xataa in qolalka lagu dejiyo in alaab warka iyo sheekada duubaysa la sii geliyo, oo la ogaado gol jilicdaada.

Sida darteed, debadda ayaa faqa loola baxaa, xagga maskaxda ayaa lagaa qabsanayaa waa ay kugu adkaanaysaa inaad ku diidid talada, haddii aan loo sii qayilin oo aan la sii matlin wada hadalku sida uu u dhacayooo aan laga sii taxadirin yeedhis la isu yeedinayo.

Haddaba, marka ay Turkiga timaado waxa xiise leh arrinta Qubrus oo ina saamaysa. Jasiiradda Qubrus oo ku taalla Badda Cad ee Dhexe, waxay gobanimadeedii ka qaadatay Boqortooyadda Midawday (UK) sannadkii lixdankii.

Jasiiradda Qubrus waxa wada deggan dad ka soo kala jeeda, Giriigga iyo Turkiga. Dalweynihii Giriigga ayaa afgebi ka dhacay oo askari xukunkii qabsatay, hadda Yurubna dhowaan ayey soo gaadhay afgebiyada askartu, dabadeed waxay afgebi kale oo shirqool ah ka sameeyeen Jasiiraddii Qubrus oo ay gacanta u geliyeen koox doonaysa inay Jasiiradda ku daraan Dalweynaha Giriigga.

Dawladda Turkigga ayaa markaas werar ku soo qaaday oo qabsatay Waqooyiga Jasiiradda oo ay u badnaayeen dadka Turkiga ihi waa markay ahayd (1974). Markaas ayaa la kala qaxay oo Turkigii dhinaca Waqooyi isugu tegay, Giriigiina dhinaca Konfureed.

Labada dal ee Turkiga iyo Giriigu waxay ku wada jiraan Gaashanbuurta Reer Galbeedka ee NATO, sidaas darteed lama kala raacin ee Ciidamo Jimciyadda Qaroomaha ka socda ayaa la kal dhex dhigay oo ilaa maanta jooga. Wadahadallo ayaa loo furay labadii daraf, kuwaas oo ilaa hadda soo gaadhay wax heshiis ahna aan laga gaadhin.

Waxa loo ictiraafay qaybtiii Giriiggu inay tahay dawladda Qubrus, sida hadda Soomaaliya loo aqoonsaday. Kursigii Jimciyadda Qoroomahana iyada ayaa la siiyey, intaas laguma deyn ee waxa xubin ay ka noqotay Ururka Yurub (EU), oo loo oggolaaday inay lacagta Euro inay isticmaasho. Lacag badan oo amaah ah ayaa la siiyay, sare ayaa dhaqaalaheegii loo qaaday, hase yeeshee sannadkan ayey faqriday oo kacday oo deynkii loo qabsaday oo hadda dhaqaalaheegii uu cidhiidhi ku jiraa oo ay isku dhalaashay.

Qaybtii Turkigu Sannadkii 1983, markii wada hadalladii lagu heshiinwaayey ayey ku dhawaaqaday dawladnimo iyo madaxbanaani, oo la baxday Jamhuuriyadda Turkiga ee Waqooyiga Qubrus. Ilaa maanta waxa qudha oo ictiraafay Dawladda Turkiga oo taageera. Waxa ayaan-daro ah dawladaha Muslinka iyo weliba Carabtu waxay ictiraafsan yihiin qaybta Giriiga walaalnimo, Muslinimo halkaas ha ku haddo.

Dawladdani iyana way jirtay ilaa muddadaas oo horumar ayey samaysay, waxay noqotay meel loo dalxiis tago oo hadda iyada, ayaa ka dhaqaale fiican qaybtii la ictiraafsanaa. Muddadaas oo dhan Wadahadalku waa socday Golaha Ammankuna go’aanno ayuu soo saaray sida Soomaaliya oo uu ka hadlayo midnimada Jasiiradda Qubrus, haseyeeshee xaaladda waxba kama ay beddelin afartankaas sanno. Mar afti laga qaaday qolada konfureed ee Giriigu waxay tiradda badani diiday in la isku noqdo!!

Dadka ku nool qaybta Turkigu waa 300,000 oo ruux, qaybta Giriiguna waa 800,000  qof. Meeshuba waa cidla bal u eeg afarta milyan ee Somaliland. Maxaa dhacaya haddii aynu ictiraafno Jamhuuriyadda Turkiga Waqooyiga Qubrus oo ka hor degno intaan shirka wadahalka Ee Turkigga lagu qabanayo aynaan tegin?  ama shirka hore aan sii marno oo ka naxsanno Turkiga.

Waxa iyana xiise leh Waddanka Waqooyiga Ireland oo ka mid ah afarta dale e ka tirsan Boqortooyada Midawday (UK), kuwasoo kala ah, (England, Scotland, Wales and Northern Ireland). Dalkani isna waxa uu ka go’ay Jasiiradda inteeda kale oo ah Jamhuuriyadda Ireland 1922 . Waxa taageerayey dawladda Boqortooyada Midawday (UK)

Haddaba, maxaa kuu baxay labadan waddanba waxay taageereen kala go’iyo dalal kala tegaya markay dantoodu gashay oo gacan ka geysteen. Wadooodaw adaa laga hayaa Alif wax ma laha iyo wuu lee yahay, kuwa la wareegaya Soomaaliya ayaa la ictiraafay oo dunida ayaa dhammaatay ha ku cibra qaateen arrintan Qubrus.