Prof Axmed Ismaaciil Samatar Oo Ku Taliyay In Deg-deg Wax Looga Qabto Dilka Saraakiisha

Boorama (SLpost)- Prof Axmed Ismaaciil Samater ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dilkii dhawaan duleedka degmada Yagoori loogu geystay labada Sarkaal, waxaanu sheegay inuu ahaa dil aad u fool xun , isla markaana aan la ilaabi karrin, waxaanu sidoo kalena bar-bar dhigay dhac-dii lagu laayey macalimiinta ee ka dhac-day degmada Dilla.

Prof Samater ayaa sidaas ka sheegay khudbad uu ka jeediyey magaalada Boorama Habeen hore waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan “Annigu waxaan qabaa labadaa sarkaal ee tolka ah ee iyaga oo aan wax-ba galabsan shaqadiii Dowlada ee loo diray Gacanta ku haya in la ugaadhsado oo la dilo , dilka caynkaasina dilalka kale wuu ka sii duwan yahay, waayo qof Dowlada ka socda oo sharcigii ku socda oo hawshiisii qabsaday in dad shicib ahi ay goostaan inay dilaan dabateedana ay ka dhabeeyaan waa dilka arrimaha ugu xun ayey kamid tahay.”Ayuu yidhi

 

Isagoo haddalkiisa siiwata ayuu intaasi ku daray “Horta annigu aad iyo aad ayaan arrintaas uga murugaysanahay, waxa la iloobi karayo inay tahayna ilaama eeka  ee waa wax xusuusta gelaya diiwaan-ka iyo ummadda.”

 

Dhanka kalene Prof Samater ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay deg deg wax uga qabato arrintaasi isagoo sheegay inay toban indhood ku eegayaan kiis-kaasi iyo halka la mariyo “Waxaan annigu ku talinayaa dilka caynkaas ahi inuu yahay mid deg deg wax looga qabto dadkii waxaas geystayna deg deg loo soo qabto ee aanay wareegin aanay wareegin hore ayey noo soo martay dad tolka ah oo lagu laayey magaalada Dilla duleedkeeda oo iska wareegtay iska wareegtay arrintaasu “mar idage alle ha dago mar labaad idage annaa is dagay” mar dambe ma yeelayno, annagoo toban indhood leh ayaan ku eegayna dacwadaasi halka ay marto waan ku eegaynaa .”