Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo Jawaab Ka Bixiyey Su’aal Laga waydiiyay in uu Saluugsanyahay Siyaasadda KULMIYE

Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo maanta dalka socdaal ku yimi ayaa jawaab ka bixiyay su’aal laga waydiiyay in uu saluugsan yahay siyaasadda Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE oo uu ka tirsan yahay.

Waxaanu sheegay in markasta adduunyada ay jiraan waxqabyo ah taana ay Somaliland caalamka kala mid tahay oo ay jiraan waxyaabo badan oo qabyo ah iyo saluug taagan, laakiin aanay taa macnaheedu ahayn in uu xisbiga saluugsan yahay.