Portugal: Madaxweyne Muuse Biixi oo Khudbad ka jeedin doona Shirweyne Caalami ah oo Hoggaaminta Suubban iyo Xalka Khilaafaadka lagu falan-qeynayo

 

Cascais (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu marti-qaaday shirweyne Caalami ah oo ay ka qayb-galayaan hoggaamiyeyaasha adduunka qaarkood, kaas oo horaanta Sannadka soo socda ku qabsoomi doona magaalada Cascais ee dalka Portugal.

Shirweynaha oo ah sannadle uu soo qaban-qaabiyey Golaha Horasis oo shaqadiisu qaban-qaabada shirweynahaal Caalami ah oo lagu gorfeeyo caqadaha ku gedaaman Hoggaaminta tolmoon ee dowladaha iyo shirkadaha ganacsi,  ayaa sannadkan lagu marti-qaaday madaxweyneyaal, Raysal-wasaareyaal iyo wasiirrada dalalka caalamka qaarkood, kuwaas oo khudbado la xidhiidha dhinaca hoggaaminta iyo maamulka ka jeedin doona shirweynaha sannadkan, waxaana madaxda sannadkan la soo marti-qaaday ka mid ah madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi

Shirweynaha Horasis oo sannadkan Hal-ku-dheg looga dhigay,  “Is-dul-taagista hoggaaminta go’aan-qaadashada leh xilliga Carqaladuhu jiraan”, waxa ka qayb-gali doona in ka badan 1000 hoggaamiyeyaasha caalamka oo la soo xushay, kuwaas oo ay ku jiraan dhowr ka mid ah madaxa dowladaha caalamka iyo Wasiirro muhiim ah, sida lagu sheegay war-murtiyeed ay soo saareen guddiga qaban-qaabada ee shirweynahan oo Somalilandpost.net soo xigatay.

Shir-sannadeedka Horasis oo socon doona 28-ka ilaa 31-ka bisha March ee 2020-ka, waxa shir-guddoomin doona madaxweynihii hore ee ururka Midowga Yurub José Manuel Barroso, iyadoo Madaxa dowladaha Caalamka ee lagu marti-qaaday inay khudbado ka jeediyaan shirkan ka mid yihiin Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi; Ra’iisal-wasaaraha waddanka Galbeedka Afrika ku yaalla ee Cape Verde, Mr. Ulisses Correia e Silva; Gabadha iska leh Dhaxaltooyada Boqortooyada Norway, Märtha Louise; Wasiirka Maalgeshiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dalka Poland, Jerzy Kwiecinski iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ee dalka Botswana, Unity Dow.

“Shirweynaha 2020 waxa uu qabsoomi doonaa xilli taariikhi ah oo ay adduunka soo food-saareen dagaallo aan joogsi lahayd iyo hoggaamintii toosnayd oo meesha ka sii baxaysa, Ergooyinka ka qayb-galaya shirka ayaa u muuqda inay ka hadli doonaan sida suurta-galka ah ee xal loogu helayo iyo inay soo jeediyaan dariiqa loo mari karo helista hoggaamin lagu waaro oo heerar caalami iyo mid deegaanba isugu jirta,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka oo intaas ku daray in su’aashi kali ah ee shirweynahani ka jawaabi doonaa tahay, Maxay kugu qaadan kartaa inaad noqoto hoggaamiye masuuliyad iyo Saamayn ku dhex leh Siyaasadda, Ganacsiga iyo Bulshada dhexdeeda?

Golaha Horasis, ayaa sannad kasta qaban-qaabiya madal ay ku kulmaan ama shirweyneyaal lagu marti-qaado hoggaamiyeyaasha dowladaha, shirkadaha ka dhisan dalalka kobacooda dhaqaale soo korayo ee caalamka si loogu falan-qeeyo mowduucyo kala duwan oo loo aqoonsaday inay muhiimad gaar ah leeyihiin sidii loo dhiirri-gelin lahaa kor-u-qaadistooda, waxaana madasha lagu soo marti-qaadaa oo khudbado ka jeediya shaqsiyaad iyo hoggaamiyeyaal loo arkay inay ka midho-dhaliyeen ama guul ka gaadheen, sida hoggaaminta, nabadda, Arrimaha haweenka iyo qodobbo kale.

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com