Paris: Somaliland oo ka Qayb-gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee Nabadda Adduunka

Paris (SLpost)- Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska Danjire Cali Ismaaciil Xasan, ayaa ka qayb-galay shir caalami ah oo arrimaha Nabadda lagaga hadlay, kaas oo toddobaadkan ka dhacay magaalada Paris ee xarunta dalka France.

Shirkan oo noqonaya markii afraad, ayaa qabsoomay intii u dhaxaysay 11 ilaa 13-kii bishan November, waxaana ka qayb-galay 2,400 qof oo ka kala socday in ka badan 45 waddan iyo hay’ado caalami ah oo ay ku jiraan Baanka Adduunka, Hay’adda Lacagta dunida iyo hay’ado kale.

Shirka oo lagu magacaabo Paris Peace Forum ayaa muddadii uu socday lagaga hadlay xaaladaha ka taagan dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan waddamada Itoobiya iyo Sudan. Waxa sidoo kale lagaga hadlay xaaladaha nabadgelyo ee ka taagan dalalka Galbeedka Afrika.

Safiirka Somaliland u fadhiya magaaladda Paris Cali Ismaaciil Xasan oo shirka ka hadlay, ayaa ergooyinkii ka qayb-galay shirka warbixin ka siiyey xaaladda Nabadgelyo ee Somaliland, nidaamka Dimuqraadiyadeed iyo doorashooyinka ka qabsoomay.

Safiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey kaalinta dhaqaale, ganacsi iyo isu-socodka Somaliland ku leedahay gobolka Geeska Afrika, isaga oo wufuudiia shirkaas kasoo qayb gashay u sheegay in madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay in wada-xaajood lagu dhammeeyo khilaafka ka Geeska Afrika.

Shirka Afraad ee Paris Peace Forum waxa ka qayb-galay qaar ka mid ah madaxda adduunka oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, waxaana goob-joog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka Kamala Harris, Madaxweynaha Nayjeeriya Mahamadu Buhari, Ra’iisal-wasaaraha Bangladesh Sheekh Xasiina, kuwaas oo shirkaas ka jeediyey khudbado ku saabsan la-dagaalanka sinnaan la’aanta, wax ka-qabashada cimilada adduuka ee sii xumaanaysa, Xaaladda Xannuunka COVID-19 ee adduunka iyo Xuquuqda Aadamaha.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net