Pakistan: Tobanaan Qof oo u geeriyooday Baraf Xannibay

Islamabad (SLpost)- Inta la ogyahay, 21 qof ayaa geeriyooday kaddib markii Baraf xooggan oo ka da’y Woqooyiga Dalka Pakistan uu ku dhex xannibay baabuurtooda.

Ilaa 1,000 baabuur ayaa ku go’doomay Jidka wadnaha ee isku xidha Caasimadda Islamabad iyo Gobollada Woqooyiga dalka Pakistan oo ay ku taallo Buurta Murree oo ka mid ah Silsiladda Buuraha Himilaya.

Sida aanu ka soo xigannay wakaaladda wararka ee Reuters, Sarkaal booliis ah, xaaskiisa iyo lix carruur ah oo ay dhaleen, iyo sidoo kale qoys kale oo shan ka kooban, ayaa ka mid ah dadka dhintay.

Ciidamada dalkaas ayaa isku dayaya in ay furaan waddooyinka si ay u badbaadiyaan dadka wali ku go’doonsan barafka

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Pakistan Sheekh Rashiid ayaa sheegay in dhibaatada ay sababeen tirada dadka u safrayay deegaankaas oo ku yaalla waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Islamabad. In ka badan 100,000 baabuur ayaa maalmihii la soo dhaafay soo gaadhay deegaankaas, iyadoo dadkaas ay ka mid yihiin dalxiisayaal halkaas u tagay inay Barafta ku dheelaan.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa Jimcihii soo tabisay in dalxiisayaashu ay go’doonsan yihiin.

Sawirro iyo muqaalo baraha bulshada lagu faafiyey ayaa muujinaya baabuur tiro badan oo ku xanniban oo ku xanniban barafka oo qariyey baabuurta intooda badan.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jiraan 10 carruur ah. Booliiska ayaa sheegay in lix ka mid ah dadku ku geeriyoodeen kaddib markii ay ku neef-qabatoobeen gudaha baabuurta oo barafku qariyey.