Oromadu Way Tagaysaaye Ha Tahriibin Muwaadin!!!

Waxaan ayaamahan danbe maqlayay xam- xam badan oo ku dhex jirta dhalinyarada wadanka taas oo ay inta badana wax ka qoreen saxaafada kala duwan ee dalku warkaas oo sheegaya inay dhalinyaro badan oo jooga wadanka Somaliland ay diyaar u yihiin inay tahriibaan oo ay wadanka ka baxaan taas oo igu noqotay af- kala qaad, u qaadan waa, fajac iyo amakaag markii aan arkay dhalinyar badan oo da’yar ah oo u tafo xaydan inay wadanka ka baxaan kuwaas oo xitaa ku faanaya inay tahriibaan oo qaar badan la sheegay inay markay sii baxayaan ay shaaha iyo shaadaliga sii shubaan si loogu sii duceeyo. Hadaba sidaynu wada ognahay masiibadan tahriibta ayaa noqotay mid si wayn u wax yeelay qarankan yar ee curdinkaa ee dunida ku cusub ee s/land taas oo waxyeelada ay u gaysatay ka dhigtay inuu horumarkii xawliga ahaa ee uu ku socday uu noqday mid hakad galay sababtoo ah dadka tahriibaa waxay u badan yihiin dhalinyar kuwaas oo aan ahayn kuwa bilaa aqoonta balse u badan kuwa ka qalin jabiyay jaamacada kala duwan ee dalka kuwaas oo aqoon buuxda leh oo ay uga faa’idayn lahaayeen dalkooda iyo dadkooda.

Hadaba tahriibkan isa soo taraya maxaa sabab u ah? bal aan isku dayno inaan dul istaagno waxoogaa waxa sababay tahriibkan is daba joogaa ee maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhaya , ugu horayn waxyaabaha ugu waa wayn ee sababa inay dhalinyaadu tahriibka miciinsadan ee ay ka cawdaan waa camal la’aan baahsan taas oo saamayn wayn ku yeelatay mustaqbalkoodii & rajooyinkoodii taas oo ay sababta ugu wayn ka dhigaan tahriibkoooda, sidoo kalana waxaa jira dhawr waxyaabood oo kale oo ay ka mid yihiin waxbarashada dalka oo aanay ku qanacsanayn,

halka qaar kalana ay sheegeen inaanay isku dheeli tirayn shaqooyinka yar yar ee ay wadanka ka hayaan iyo nolosha oo ah qaar kala sareeya taasna ay ku sababayeen inay yihin iyagoo shaqooyinka yar yar ee ay hayaan iyo lacagta ay qaatan aanay isku dheeli tirnayn, sidoo kale dhalinyarada ayaa iyaguna ku tawaawuca inay wax dhiiri galina ka waayeen camalkii yaraa ee ay wadanka ka hayeen oo ay si bil aadnimada ka baxsan ula dhaqmaan maamulayasha meelaha ay ka shaqeeyaan, hadaba dhalinyarada rer Somaliland oo iyagu intooda badan ku shaqaysta macalinimo ayaa ay duruufaha wadanka ka jiraa u saamixi waayeen inay isku miisaanaato lacagta yar ee ay qadanayaan iyo kharashka ku baxaya noloshaada iyo waxbarashoodadaba, taasina ay noqotay sabab cad oo ay dhalinyaradu tahriibka u miciinsato,

hadaba xukuumadihii isa soo badbadalayat tan iyo maalintii qarankan S/land uu xoriyadiisa dib ula soo noqday si taamana u helay ayaanay jirin siyaasado cad -cad oo ay xukumadahaasi ka lahayeen dhalinyaradan iyo tahriibkaba, sidoo kale xukuumadan cusub ee kulmiye ayaa iyadu ugu dhawayd oo buugeedii balan qaadka ku qortay inay wax badan ka qaban doonto arimaha keenaya tahriibka oo ay ugu horaysa camal la’aantu balse ay ifafaalaha iyo rajooyinka muuqdaa ay tilmaamayaan inay xukuumadani ku guul daraysatay inay wax ka qabato camal la’aanta baahsan ee wadanka ka jirta balse uu hada sii kordhayba tahriibkii & camal la’aantiiba , taas oo ay xukuumadihii ka horeeyay markay joogeen uu tahriibku ku badnaa gobolada Togdheer iyo Awdal balse tan iyo malintay xukuumada cusube xilka la wareegtay uu tahriibkii u soo wareegay dhinaca caasimada Hargaisa tas oo ay malin kasta baxaan boqolaal dhalinyaro ah oo aan xitaa haysan aduun ay ku baxaan, si kasta ha ahaatee ayaan darooyinka saamaynta wayn ku yeeshay dhalinyarada ayaan lahayn cid si cad uga hadasha oo daraasad buuxda ku samaysa,

balse hayadaha dalka jooga ayaa kolba intay mashruuc beena oo ay ku baxaan kumanaan kun dolar ay yidhaahdaan waxaanu baadhis ku samaynaynaa sababta keentay tahriibta balse ay noqotay hal bacaad lagu liso iska daa inay soo bandhigaan waxa keenaya tahriibkoo ay iyagu sabab u yihin qaar badana ku sii dhiiri galiyaanba, hadaba xukuumadu miyay tahli kari wayday in lacagta boqolaalka kun ee doolar ee ku baxaya badhistaa bilaa faa’idada leh looga faaidaysto in shaqooyin loogu abuuro boqolaal dhalinyara oo miciin mooday tahriibka, hadaba Aqoonyahanka , Waxgaradka, Cuqaasha iyo Siyaasiyiinta wadanka ayaa iyagu xafladaha ay dhalinyarada kala qayb galaan kaga cel celiya hadalo ay ka mid yihiin dhibaatada uu tahriibku leeyahay balse waxay moogan yihin in ficil ahaan wax looga qabto taas oo kuwa tahriibka ka hadlayaa ay iyagu dhuunta u galeen mashruucyadii dhalinyarada wax loogu qaban lahaa,

si kastaba ha ahaatee duruufahan qalafsan ee wadanka ka jira ee uu ugu horeeya sixir bararka baahsan ee wadanka ka jira, camal la’aanta iyo waliba tayo la’aanta waxbarashada iyo wax ka qabad la’aanta korodhkan jamacadaha xad dhaafka ah ee sida maqaxiyaha u buux dhafiyay jamhuuriyada Somaliland kuwaas oo waxba kama jiraan ka dhigay qiimihii jaamacadaha iyo waxbarashada ayay dad badani u aanaynayaan inay horseed ka tahay hadaba si aan waxoogaa war kooban uga helno dhalinyarada ayaa waxaan la kulmay mid ka mid ah dhalinyarada u xusul duuban inuu ayaamaha soo socda wadanka ka baxo isagoo magaciisa iigu soo gaabiyay Cadnaan waxaanu yidhi “ Anigu waxaan go’aansaday inaan wadanka isaga baxo ma joogayo ma joogayo wax kastoo dhaca, ama nolol tan dhaanta ayan heli doonaa ama aakhiro ayaan tagi doonta kolayba kii dhimanaya ee ay geeridu sugaysay ayaan ahaye ” sidoo kale inan/gabadh magaceeda iigu sheegtay Hani ayaa iyaduna tidhi “ Waar wadanka wax is badalay ma jiraan waabay ka sii dartay oo indhahay isku qabsatay ,

is badalkaan is lahayn wuu dhacayna Daahir rayaale ayaa lagu badlay Siilaanyo, UDUBTII aanu ka cararaynaya ayaa meesha wali fadhida, Markaa sii joogista wadankan waxaan u arkaa wakhti lumis markaa inaan xaafadayada u tahriibaa waa xaq oo aan nolol tan dhaanta u horseedaa” iyadoo aynu arkayno fikradaha kala duwan ee dhalinyarada ayaan isku dayay wiil kale oo dhalinyara oo isagu jamacadiisa iska dhigta inaan isna bal wax ka waydiiyo isagoo magaciisa iigu sheegay Xassan Yare waxaanu yidhi “ waar anigu waligay tahriibi maayo waan iska joogayaa runtii camal la’aan baahsani way jirtaa laakin waa ayaan daro inaan isku tuuro bada, bal eeg maalinkasta inta ku dhimanaysa miyaanay dhalinyaadu wax ku qaadanayn mise talaw way is indho tiraan, xukuumadna waxaan kula talin lahaa waar dhalinyarada mashaariic u sameeya hadii kale wadanka inta joogtaaba way tahriibi, oromodaa la saarayna waxay keeni kartaa inay dhalinyaro badani shaqo hesho taasna ha laga dhabeeyo ayaan odhan lahaa ” Si kastaba ha ahaato ee dadka falanqeeya Arimaha Dhalinyarada ayaa ku sababeeyay in hadii aan wax looga qaban sida ugu dhakhsaha badan arintan walaaca badan ee Tahriibtu inuu wadanku ka Xaalufi doonto Dhalinyaada kuwaas oo qaranka Somaliland ka ah 70% , waxaanay xukuumada iyo cid kasta oo wadanka aayo ka leh u soo jeediyeen in siyaasad cad laga soo saaro, sidoo kale hayadaha iyo cidkasta oo ku shaqo lehba shaqooyin loo abuuro dhalinyarada,

isku wada duuboo arintan tahriibka ayaa qarankan yar ee curdinkaa ka dhigtay Cuyryaan Cago La’a taas oo ku noqotay Laf Dhuun Gashay, dhalinyaradii mustaqbalka talada dalka la wareegi lahaydna ay in badani baxeen intii hadhayna ay hada ujeeni qaaran yihiin diyaarna u yihiin sidii ay u bixi lahaayeen taas oo laga yaabo in mustaqbalka dhaw uu wadanku isku badalo gale ka ay ka maqan yihiin dhalinyarta dhamantood, waxba yaanu hadalku ila taraarine waxaan xukuumada talada haysa iyo wasaradaha ku shaqada lehba u soo jeedinaya in sida ugu dhakhsaha badan loogu gurmado arintan wax ka qabashada tahriibka, sidoo kale ayan ka codsanayaa inay xukuumadu shaqo abuuris wayn u samayso dhalinyarada taas oo ay shaqooyinkii ay wadanka u qaban lahaayeen ay buuxiyeen dad ajaanib ah oo isaga kala yimid ETHIOPIA, KIINIYA iyo wadamo kale oo African ah kuwaas oo boosaskii ay dhalinyaradua aqoonta lihi qaban lahayeen iyagu ku raaxaysta,

xukuumadana ay hir galiso go’aankeeda ah in ajaanibka bilaa sharciga ahi uu wadanka ka baxo taasina ay sababi karto Rajo iyo Yididiilo cusub oo yarayn karta tahriibkan xad dhaafkaa, sidoo kale ayaan dhalinyaada qaranka S/land u soo jeedinayaa waar aynu u tashano aayaheena oo yaynaan dalkeena uga tagin soo galeetiga waxaanan dhalinyarooy idin leeyahay ( OROMADA IYO AJAANIBKU WAA TAGAYAANE HA TAHRIIBINA WALAAL)

Qalinkii C/Fataah Sh.Nuux Jaamac ( Suldaanka)
Email: Samriye99@Hotmail.Com
Mobile: 4474468