Orodyahanka Caanka ah ee MO Faarax oo Xaalad Halis ah Galay (SAWIRRO)

New York (SLpost)- Oradyahanka caanka ah ee Somaliyeed Maxamed Faarax, balse lagu naaneyso (MO Farah), una orda dalka Britain, ayaa maanta galay xaalad deg deg ah, inkasta oo uu dib u soo maaxay daqiiqado ka dib.

timthumbOrodyahanka oo tartanka orodada Maaratoonka kaga qaybgalaayay Magaalada New York, ayaa waxa uu ku dhacay dhulka, xilli uu kaalinta labaad ka galay tartankaas.

MO Farah, ayaa miyir-doorsoon galay muddo 3 daqiiqo,  in kasta oo uu u soo maaxay, xilli la sheegay inaan la siin wax daawooyin ah.

MO4MO Farah, ayaa Warbaahinta u sheegay in uu noqday sida nin ay hurdo heyso oo kale, isla-markaana uu isku deyay in uu kaco, hase yeeshee uu dhulku ku dhacay.

Orodyanka MO, ayaa sidoo kale sheegay in ay xaaladiisu caafimaadeed aad u wanaagsan tahay, isla-markaana aanu jirin wax xanuun ah oo uu xilligaan dareemayo.

MO2Sababta keentay in uu dhulka ku dhaco Maxamed Faarax, ayaa waxaa lagu sheegay in iyadoo uu Magaalada New York soo gaadhay, xilli uu qabow ka jiro isla markaana uu 2-dii bilood ee la soo dhaafayna joogay dalka Kenya oo kuleel uu ka jiray.

MO5 MO mo1