OOG: Wasiirka Arrimaha Gudaha oo soo saaray Awaamiir Adag oo lagu Rogay Deegaankii Shaqaaqadu ku dhexmartay labada Beelood

waranOog (SLpost)- Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde ee ku gudo jiray xalinta shaqaaqadii labada beelood ee walaalaha ah ku dhexmartay deegaanka God-Heeli ee gobolka Sanaag ayaa maanta shirar la yeeshay bulshadda ku dhaqan deegaankaas.

Weftiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo shalay gaadhay deegaankaas kana mid yihiin Wasiirka Duulista Hawadda, Wasiiru dawlayaasha wasaaradaha maaliyadda iyo waxbarashadda, Taliyeyaasha ciidammadda Qaranka iyo Booliska, salaadiin iyo waxgarad kale oo uu weheliyo Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ayaa maanta kormeer ku soo maray Deegaanka God-Heeli oo ka tirsan Degmada Gar Adag ee gobolka Sanaag ee dagaalku ku dhex-maray labada beelood ee walaalaha ah halkaasna kulan kula yeeshay bulshadda ku dhaqan degaankaas.

Hadal uu halkas uga jeediyay dadweynaha deegaanaka God-Heeli Wasiirka Daakhiliga Md. Cali Maxamed Waran-cadde ayaa waxa uu ku adkeeyay in la dhawro nabadda iyo xasiloonida.

Wasiir Cali Waran-cadde waxa uu halkaas uga jeediyay bulshada ku dhaqan in maanta laga bilaabo aan deegaankaas lagu arki Karin wax hub ah nooc kasta oo uu yahay oo ay sitaan dadka deegaanku, isaga oo ciidammadana ku amray in ay talaabadda ku haboon ka qaadaan cidii ka hortimaada.

Dhanka kale Wasiirka Duulista Hawadda Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna halkaas ka hadlay ayaa dadweynaha deegaankaas u sheegay in aanay dawladdu cidna marti uga ahayn sugidda nabad-galyada dalka tallaabada ku haboonna ka qaadayso cid kasta oo nabadda waxa u dhimaysa.

Wasiirka Duulistu waxa uu u soo jeediyay beelaha deegaankaasi inay ka shaqeeyaan sidii wada jir nabad-gelyadda loogu adkayn lahaa.

Taliyaha ciidanka Booliska Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Maxamed Geele (Dacar) ayaa iyaguna dadka deegaanka God -Heeli ku ammaanay sida ay nabadda ugu heelan yihiin.

SOMALILANDPOST.INFO

contact@somalilandpost.net