OODWEYNE: Soo-dhawayntii Weftiga Wasiir Xirsi, Bilowgii Ubucda ismaandhaafka iyo Khasaare ka dhashay Mudaharaad Dad Gadoodsani kala hortageen (DAAWO)

Oodweyne (SLpost)- Wefti Ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan kana Mid ahaayeen Wasiir ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga Md Bashiir Cabdi Xariir, Gudoomiye ku Xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye  Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusub Waabeeye,   oo maanta gaadhay magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daadmadheedh, ayaa weji-gabax kala kulmay bulshada gobolkaas, dadweyne cadhaysi bannaan-bax kala horyimaaddeen weftiga.

Weftiga Wasiirka Madaxtooyada waxa degmada ku soo dhaweeyey maamulka gobolka Daad-madheedh iyo ka degmada Oodweyne kuwaas oo kaga hor tagay duleedka Bari ee magaalada  iyadoo wefftiga loo soo galbiyay dhinaca hoolka Dawlada hoose Degmada Oodweyne, halkaas oo uu ku qabsoomay kulan dhexmaray weftiga iyo maamulka gobolka/degmada.

DAAWO