Olole Nadaafadeed oo mar kale laga fuliyey Dooxa Hargeysa iyo Baaqa Maayarka Caasimadda

Ololaha Nadaafadda Dooxa Hargeysa.jpg

Hargeysa (SLpost)- Maayarka Hargeysa oo ay weheliyaan xubno ka mid ah golaha deegaanka ee caasimadda, shaqaalaha Dawladda Hoose iyo Dadweyne iskood isu diray, ayaa maanta olole nadaafadeed ka fuliyay Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo ololaha nadaafadeed ee maayarku horkacayey ka soo qayb-galay Qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga iyo Shaqaalaha Dowladda Hoose oo qayb laxaad leh ka geystay ololaha qashin-gurka oo markii labaad laga fuliyey Dooxa Hargeysa tan iyo intii xilalka loo dhaariyey Golaha Deegaanka Caasimadda.

Ololaha Nadaafadda Dooxa Hargeysa

Ugu horreyn, waxa halkaas ka hadlay qaar ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa oo sheegay in ujeeddada ay ololaha ka leeyihiin tahay sidii loo soo celin lahaa Asalkii hore ee uu ahaan jiray Dooxa Hargeysa oo dhibbane u noqday Suuqa Waaheen ee faras-magaalaha caasimadda oo uu dhinaca ku hayo.

Xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa, waxa ay sheegeen inay dowlad hoose ahaan sii wadayaan ololaha nadaafadda sidii ay hore ugu ballan-qaadeen uguna soo bandhigeen wax-qabadyadii ay ku ololeeyeen xilligii doorashada ee ahaa Hargeysa nadiif ah oo cagaaran.

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa Siciid Nuur Jaamac ayaa Shacabka caasimada ee Ololaha kala qayb-qaatay uga mahad-celiyey sida ay isu soo Xil-qaameen iyo Doorka ay ka qaateen ololaha nadiifinta Dooxa weyn ee Hargeysa oo muddo toddobaad gudihii ah markii labaad loo dareeray subaxnimadii hore ee Khamiista maanta.

Xoghaye Siciid Nuur waxa uu shacabka Hargeysa ku bogaadiyey sida ay ugu hoggaansameen awaamiir dowladda Hoose ka soo saartay toddobaadkii hore oo ahaa inaan qashin lagu qubin Dooxa Hargeysa.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo isaguna warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Ololaha Qashin-gurka Dooxa Hargeysa bilow u yahay Olole nadaafadeed oo laga fulin doono degmooyinka Caasimaddu ka kooban oo uu sheegay in mid walba maamulkeeda iyo dadweynaha ku dhaqani ku hawlan yihiin is-abaabul ay ugu diyaar-garoobayaan fulinta ololahan.

Maayarka Caasimadda Hargeysa waxa uu u mahad-celiyey qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay oo door laxaad leh ka geystay Ololaha nadaafadda dooxa Hargeysa, isagoo si gaar ah ugu mahad-celiyey shirkadda Oomaar Group.

Dhinaca kale, waxa uu Maayarku baaq qaylo-dhaan ah u diray Shacabka Hargeysa oo uu u soo jeediyey inay go’aan ka gaadhaan isticmaalka Bacda oo uu tilmaamay inay halis ku tahay bilicda iyo Nadaafadda Caasimadda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net