Oklahoma: Duufaantii ugu khasaaraha Badneyd ee 20-sanno ku dhacda Maraykanka iyo Tirada Dhimashada oo sii Kordhaysa (DAAWO)

oklahoma cityOklahoma (SLpost)- Duufaanno wata dabaylo xoog badan oo ku dhuftay gobolka Oklahoma oo ku yaala Koonfur-Galbeedka Mareykanka ayaa sababtay ilaa imika inta la ogyahay geerida 91 qof oo 17 ka mid ah ay yihiin Caruur, iyadoo laga cabsi-qabo in tirada dhimashadda ay intaas ka badato

Duufaantan oo Afka Qalaad lagu yidhaahdo Tornado inta bandanna ka dhacda gobollada Maraykanka, ayaa baabisay Geedo waa-weyn oo hawdka Gobolka Oklahoma ku yaalay, taasoo sababtay in gebi-ahaan ay xidhmaam waddooyin badan oo Gobolkaas ku yaala.

Guryo lagu qiyaasay 780 ayaa burbur xoog leh soo gaadhay, iyadoo Duufaantan hawada Sare u Qaadatay alaabihii yaalay guryahaas burburay, waxaana Duufaantani ay hadda sii kulaalaysaa Gobolka Missiouri oo laga dareemay.

Duufaantan oo ballaceeda lagu sheegay 1.3 May, ayaa sidoo kale ku dhufatay magaalada Oklahoma ee Caasimadda gobolkan, halkaas oo sida la sheegay ay ku dishay 24 qof oo sagaal ka mid ahi carruur yihiin.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in duufaantan awooda badan ee galaafatay nolosha dad aad u tiro-badan,qaarkoodna weli meydadkooda la baadi-goobayo, ay ku jihaysan tahay gobolka Missouri.

oklahoma

Dalka Mareykanka ayaa sanadkiiba Duufaanta ay dishaa dad aad u tiro-badan,balse dhimashadan ayaa noqoneyso tii ugu tirada badnayd ee sanadkan gudihiisa duufaan ay ku disho gudaha Mareykanka.

DAAWO MUUQAALLADAN


SOMALILANDPOST.NET/HARGEYSA