OGEYSIIS: Maalinta Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaalida ee Magaalada GOTENBERG, Iswiidhan, 01.06.2013

ogeysiisDhammaan dadweynaha ku hadla afka Soomaaliga iyo inta xiisaysa afka iyo dhaqanka Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Göteborg iyo agagaarkeedaba  waxa la ogeysiinayaa in 01.06.2013 lagu qaban doono magaalada Göteborg kulan suugaaneed balaadhan oo lagu soo marti qaaday qorayaal iyo suugaanyahanno ka kala socda magaalada Stockholm iyo magaalada Göteborg. Maalintan ayaa noqon doonta maalin xiiso badan oo ay qorayaashu madasha ku soo bandhigi doonaa buugaagtooda iyo waliba suugaan kala duwan. Martida maalintaasina waxaa ka mid ah:
1. Qoraaga Maxamed Xirsi Guuleed ( Abdibashir ) ayaa madasha ku soo bandhigi doona suugaantiisa kala duwan iyo  guud ahaan buugaagtiisa, gaar ahaanna buuggiisa u danbeeyay ee Aan ooyee albaabka ii xidha. Kaasi oo uu ku kaydiyay suugaan badan oo ku saabsan halgankii ay Soomaalidu u soo martay xorriyadda.
Maxamed waxa uu sidoo kale maalintaasi inala wadaagi doonaa cashar kooban oo ku saabsan dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida.
2.  Qoraaga Sayid Maxamed Yuusuf ( Dhegey ) ayaa isna maalintaasi dadweynaha la wadaagi doona casharkooban oo ku saabsan taariikhda afka Soomaaliga iyo waliba buugaagtiisa. Isagoo diirradda saari doona buuggiisa Socdaalkii Dheeraa, oo ka hadlaya duruufihii iyo waayihii ay dadka Soomaalidu ku sugnayd wakhtigii colaadaha ee 1988.
3. Abwaan Mubaarig Qoorubaxay, oo ah abwaan suugaantiisu nooshahay ayaa maalintaas isna si mugweyn leh u soo bandhigi doona suugaantiisa, isagoo maalintaasi dadweynaha la wadaagi doona suugaantiisii u danbaysay.
4. Qoraaga Muuse Maxamuud Ciise ( Dalmar ) ayaa isna maalintaasi madasha ku soo bandhigi doona riwaayaddiisa cusub ee Tayo-beelka Carruurtu Waalid Buu Tebeyaa. Riwaayaddan oo ka hadlaysa wacyiga iyo duruufaha nololeed ee qoyska Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhaqan. Muuse ayaa sidoo kale maalintaasi dadweynaha la wadaagi doona sheekooyin-suugaaneed ka hadlaya qaybaha kala duwan ee nolosha bulshada.
5. Qoraaga Bile Xaashi ayaa sidoo kale maalintaasi munaasibadda ku soo bandhigi doona buugaagtiisa, isagoo waliba si gaar ah maalintaasi dadka ula wadaagi doona buuggiisa cusub ee Shan Habeen.

Maalintan ayaa noqon doonta mid xiiso badan, waxaana  jiri doono wakhti ay dadweynuhu ku soo gudbiyaan wixii talo, tusaale iyo su’aalaba ah.

Ha moogaan hana ka maqnaan haddii Raxmaanku inagu simo.

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh.
Bile Xaashi. 0702638557
bile03@hotmail.com
Muuse Dalmar: 0762490979
xajidalmar@gmail.com
www.bilehashi.se
www.hiddodhowr.com
www.hiddodhowr.com