OGEYSIIS: Guddiga Qaban-qaabada Shirka Subeer Awal ee UK

ogeysiisGuddida Qaban-qaabada Shirka Subeer Awal ee ka dhacaya UK, gaar ahaan London, kuna beegnaa Maalinta Axadda 22 June, 2014, waxaynaha xubnaha Beesha ku war-gelinayaan in shirkaas dib loo dhigay ilaa muddo dambe oo aan weli la cayimin sababo jira awgeed.

Haddaba, waxa ay guddigu la socodsiinaynaa inay sidaas u la socdaan, waxaanay ka raalli-gelinayaan dib u dhacaas ku yimi gaar ahaan dadkii ka imanayaan Magalooyinka Bristol, Cardiff, Manchester, Birmingham iyo magaalooyinka kaleba.

Guddigu waxay mar kale ka raalli-gelinayaan dib u dhaca ku yimi shirka beesha.