OGAYSIIS: Shir Sannadeedka 2aad ee Qurba-joogga Somaliland

17th – 18th July, 2012 – Ambassador Hotel, Hargeisa

Xafiiska Xidhiidhka Jaalliyadaha JSL wuxu ogaysiinayaa dhammaan Jaalliyadaha reer Somaliland intooda dalka ku sugan ama ku soo socda wakhtigan  xagaaga ah ama ka soo qaybgeli kara in la qaban doono shir sannadeedkii 2aad ee Qurba-joogga Somaliland dalka gudihiisa ku yeeshaan oo ku beegan maalmaha Salaasada iyo Arbacada ee 17-18 bisha July, 2012, waxana lagu qaban doonaa Ambassador Hotel, Hargeysa.

Xidhiidhka Jaalliyadaha JSL wuxu qabanayaa shirkan isagoo kaashanaya hay’adaha Development Alternative Inc. IOM iyo (DAI), Transparency Solution (TS) iyo sirkadaha wadaniga ah ee Somaliland Beverage Industries (SBI iyo  Dahabshiil Money Transfer.

 Ujeedada shirka sannadka  Qurba-joogga  2012:

Waxa loo qabanayaa shirka sannadkan in lagaga hadlo doorka ay Qurba-joogga Somaliland ka qaadan karaan maalgashiga dhaqaalaha dalka iyo fursadaha maalgashi ee dihin ka jira Somaliland. Waxan doonaynaa in la dhiirrigeyo oo wada loo xaadho hab maalgashi ballaadhan  iyo  waxsoosaar waafi ah oo la iska  kaashado gude iyo dibadba si loo xaqiijiyo horumar la taaban karo.

Faahfaahinta dheeraadka ah ee qabanqaabada iyo shirkaba guud ahaan, kala xidhiidh Xarunta Xafiiska Xidhiidhka Jaalliyaaha JSL  ee ku taalla dhinaca koonfureed ee Safari Hotel,  Goolada Jigjigayar, Degmada I/kdobur, Hargeisa, ama la hadal telefoonnada hoos ku qoran:

Tel: (00)-252-2-4240161 / 4150248 / 4421481 / 4081527 (Mobile)

Tel: 972033 (Line)

Email: info@somalilanddiaspora.org  

www.somalilanddiaspora.org