Odayaasha, Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Ciise Muuse Galbeed oo Qaaddacday Shirka Dubur ee Beesha Ciise Muuse

DSC08716

Hargeysa (SLpost)- Shir ay isugu yimaaddeen cuqaasha, wax-garadka iyo Aqoon-yahannada Beesha Ciise Muuse Galbeed ayaa galabta Shir-jaraa’id ku qabtay Hotel Xamdi ee magaalada Hargeysa.

Kulankan waxay faah-faahin kaga bixiyeen isla markaana ku qaaddaceen shirka Beeshu qaban-qaabinayso ee lagu wado inuu 29 September ku qabsoomo tuulada Dubur ee gobolka Saaxil.

DSC08713

Markii uu dhammaaday kulankan waxa saxaafadda loo qaybiyay qodobbo ay ku sheegeen inay gun-dhig u yihiin shirkooda jaraa’id. Waxay ku sheegeen inay go’aasadeen dood ka dib in Ciise Muuse Galbeed:

  1.  Aanay ka qayb-galayn shir-siyaasadeedka Dubureed oo lagu iclaamiyey magaca beesha Ciise Muuse ee khilaafkuna ka taagan yahay.
  2. In Aanu taageersanahay Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo haddii aanu nahay cuqaasha, wax-garadka iyo aqoon yahanka Ciise Muuse Galbeed, isla markaana waxaanu ka soo horjeednaa cid kasta oo Qaranimada wax yeelaysa, mucaaradaysa ama nabadgelyada wax yeelaysa.

Magacyada Xubnaha Shirka-jaraa’id isugu yimi

  1. Chief-Caaqil Jaamac Cumar Samatar
  2. Caaqil Cumar Diiriye Yuusuf
  3. Caaqil Ismaaciil Muxumed Ibraahim
  4. Chief-Caaqil Cilmi Rashiid Aadan
  5. Caaqil Cabdi Xasan Xaamud
  6. Caaqil Rashiid Axmed Maxamed
  7. Caaqil Abokor Ciise Cali
  8. Caaqil Aw-Siciid Axmed Cali
  9. Caaqil Xuseen Cabdilaahi Cawaale
  10. Caaqil Cawaale Sahal Geeddi
  11. Caaqil Xasan Yuusuf Cabsiiye (Xeer-yaqaan)
  12. Caaqil Nuur Xasan Faarax
  13. Caaqil Saleebaan Cali Guuleed
  14. Oday Ibraahim Aw-Cali Ileeye
  15. Oday Yaasiin Faarax Diiriye
  16. Oday Maxamed Nuur Faarax
  17. Oday Maxamuud aw-Xirsi
  18. Oday Xasan Maxamed Axmed
  19. Aqoonyahan Maxamed Aadan Jirde
  20. Aqoonyahan Ismaaciil Ibraahim Cismaan (Jabiye)
  21. Aqoonyahan Cali Axmed Kooshin
  22. Ganacsade Cabdi Cali Kaahin
DSC08715DSC08714
Somalilandpost.net
Editor@somalilandpost.net