“Odayaasha tilifishanada tagaaya ayaanu khadyaan ka joognaa,Tv-gu dawlad maaha oo nalagama ashkateeyo..” Ramaax

Exif_JPEG_422

 

Boorama(SLpost)-Badhasaabka gobalka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa sheegay inay aad uga cabnayaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan salaadiinta iyo dad uu ku sheegay inay maamulka ku jiraan.

Ramaax waxa uu sheegay in aanay hawl maalmeedkooda ka qabsan karin inbadan oo ka mid ah bulshada, waxaan isaga oo warbaahinta ka horhadlaayay uu si cadho leh u yidhi“Waxa la dhisayaa gurigii martida oo la mid ah ka Burco iyo kuwa gobalada kaleba, magaaladuna waa ay nagala qaybqaadatay waana la bilaabay oo gacanta lagu hayaa, halkaas waxaan dadweynaha u soo jeedinayaa da’daalka aanu ugu jirno magaalada marka wado soo marto ee la yidhaahdo gurigaas wadada la bixinaayo ayaa la marinayaa inay na ashkateeyaan ma gayno, kama gayno dadweynaha,kama gayno salaadiintan tilifishanada tuban, kama gayno kuwa aqoon yahanda sheeganaya, kama gayno kuwa maalmuka ku jira ee soo raacay qof gardaran oo waxba aan lahayn oo wadadii alle xidhaaya, waanu ka cabanaynaa aad ayaanan uga xumahay.”

Ramaax oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Odayaasha tilifishanada tagaaya ayaanu khadyaan ka joognaa,Tv-gu dawlad maaha oo nalagama ashkateeyo ninkii cabatin hayaa hanooyimaado waanu is qancinaynaaye, ninkii gardaro xabad ku soo qaadanayowna soo qaado waanu iska kaa difaacaynaaye.”