Odayaasha deegaanka Gubur Libaax oo ku dhaliilay Xukuumadda dhibaatooyinka shirkadii baxday ka samaysay deegaankooda

Burco(SLpost) Odayaasha iyo Gudoomiyaha Tuulada Gumbur libaax ee Gobolka Togdheer iyo waliba Caaqilka iyo odoyaasha uu ka soo jeedo dhibana Muwaadin uu waxyeelo u gaystay nin Ajinabi ah oo ka mid ah shaqaalihii shirkada shidaal Baadhista ee Genel Energy ee dhawaan ka Guurtay Gobolka Togdheer,ayaa shir jaraa’id oo ay wadajir ugu qabteen Magaalada Burco waxa ay kaga hadleen Dhibaatada degaan ee ay shirkada sidaalku u gaysatay,in degaankoodu nabad yahay iyo waliba dhaawaca ninkan muwaadinka loo gaystay oo ay sheegeen in ninkaas aan wax ba loo qaban,waxaanay odayaashani dawlada ugu baaqeen inay si dhakhso ah arimahan wax uga qabato. iyagoo sheegay in Maamulka Gobolku ay arintan waxba ka qaban waayeen.

Ugu horayn Gudoomiyaha Tuulada Gumbur libaax Bile Samatar Jaamac ayaa yidhi”waxaanu halkan kaga hadlayanaa sadex qodob oo degaankayaga ku soo kordhay sedexdaas Qodob waxaa ka mid ah nin degaankii nin lagu dilay kaamkii qolada shidaalka ee Naq-dhabiijo markii la dilayna lagu qariyay meeshaas si gaaladu u baxdo dabadeedna aanu Gobolka keenay oo nalagu yidhi gaaladii baxdaye yaa wax waydiinaysaan, sagaal casho ayuu marayaa waanu jiifaa oo cid dhakhtar gaysay ma jirto ama soo eegtay.
waxaanu wasaarada Arimaha Gudaha gaadhsiinaynaa in sagaalkaas casho Badhasaabka iyo Taliyaha qaybtu ay wax ka qaban waayeen ilaa intaasoo casho.

Somalilandpost News
waxaanu kale oo ka hadllaynaa war been ah oo ay qortay shebekada Burcoonline, warkaas oo sheegayay in degaanka Gumbur libaax lagu rasaaseeyay shirkada shidaal baadhista, waxaanu cid kasta la socdsiinaynaa inaanu jirin warkaasi, haba yaraatee cid degaankaas ah oo wax ku asaasaysayna aany jirin degaanka Gumbur libaaxna uu yahay degaan nabad ah.”
Gudoomiyaha Gumburlibaax isagoo degaanka ka hadlaya waxa uu yidhi “waxa kale oo aanu shirka jaraa’id u qabanayna waa degaankan laba iyo sodon sanadood meeshaas dhirta ka baxday waa la ilaalinaayay Gumbur libaax oo kaliya Kow iyo toban nin baa ka shaqeeya oo raashin aanu ku siinaa oo dawladu ay siiso ee degaankaa iska ururiya, dhirtaasay xooluhu ku noolyihiin halka geed ee Galoolka ah Todobaatan Neef baa ku nool, dhulkii noocaas ahaa waxa laga soo daayay lix wado oo min laba iyo toban mitir ah,taasina waxay keentay nabaad guur,Gacamadii iyo beraagii ayay wax yeelaysay,dabadeedna shirkadii ayaa iska Guurtay intay dhulkii lama degaan ka dhigtay, Markii horena dawadu waxay na tartay ma jirto ee waxaan madaxwayanaha ugu baaqayaa in la yimaadoo oo la qiimeeyo dhibaatada taala degaanka.ayuu kaga baxay
Caaaqil Cali Siccid Maxamuud ayaa isna waxa uu yidhi”waxanu leenahay shirkad baa guurtay uun yaan nala odhane meeshii hala yimaado oo waxa yaala degaankii hala eego,ragii lahaa cidna loo daba fadhiisanmayo way joogaan,waxaan leeyay hadii maanta ninka gaalka ah wax loo gaysas lahaa dawlada hargaysa joogta oo dhami way iman lahayd oo waxaa laygu odhan lahaa adaa caaqilkii ah ee soo qabqabo,iminkana Diyaarad gaar ah baa qaaday oo wuu iska tegay Ninkii wax loo gaystayna waakaa, hadana waanu sugaynaa.
Ugu danbayntii Oday Cismaan Maxamed Xiiray,Oday Axmed Maxamud iyo Cabdi Maxamed ayaa iyaguna dhamaantood Dawlada ugu baaqay inay arintan wax ka qabato dawladu isla markaana ay masuuliyadeeda ay u Gudato sida ugu dhaqsaha badan.
Si kastaba ha ahatee maaha markii koobaad ee ay Dadwayanaha reer Burco Baaq u diraaan inay Xukuumadu wax ka qabato dhibaatada degaan ee ay shirkadani dhulka u gaysartay waxaana iyadoo uu Gobolkani yahay ka Halbawlaha u Xoolaha Nool ee dhaqaalaha dadka Somaliland ku tiirsanyahay.

Somalilandpost.net

Burco