Odayaasha Beesha Ciise oo ka hadlay sababaha ay Xildhibaannadu isaga xasileen Goleyaasha Deegaanka Saylac iyo Lughaya

Shirka Beesha Ciise

Xariirad (SLpost)- Odayaasha beesha Ciise ayaa ka hadlay sababta iscasilaaddii ay ku dhawaaqeen xildhibaannadii uga soo baxay goleyaasha deegaanka Saylac iyo Lughaya.

Odayaashan oo ka hadlay madashii ay dorraad iscasilaadda kaga dhawaaqeen xildhibaannada beesha Ciise, ayaa ku dooday in Madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumaddiisu ka garowsan wayday wixii ay doonayeen, taasina ay ku kalliftay inay go’aamiyeen in xildhibaannadoodu iscasilaan.

Shirka Beesha Ciise
Shirka Beesha Ciise

“Siilaanyo Boorama ayaanu ku aragnay, waxa la joogay 44 oday oo Samaroon ah, waxaan ku idhi waxaynu nahay Isaaq Binu Axmed iyo Ciise Binu Axmed, Laakiin qofka haddii madaxa laga gooyo lama garto ee Ciise madaxa ayaad ka goysay oo halkii ayuu yaallaa,” sidaa waxa yidhi oday ka mid ah waxgaradka beesha Ciise, waxaanu intaa ku daray isaga oo sharraxaya wixii ay ka wada hadleen kulan ay Madaxwaynaha kula yeesheen Hargeysa, “Waxa la yidhi qof sabool ah haddii neef loo qalo, halka uu hilibka ka cunayo wuu yaqaan, annaguna Madaxwayne Siilaanyo waxaanu ka doonaynay nabadgalyo iyo wixii aanu dawladda ku lahayn, laakiin maanaan ahayn dad aflagaaddo iyo eedo ku hadlaya, dawladdii taasi way naga garawsan wayday, doorashadiina dawladdu way naga garowsan wayday, markaa waxaanu garanay in raggii aanu dooranay ay iscasilaan, inay iscasilaan Ciise ayaa gartay, anaguna waanu ku raacnay,” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray, “Dalkana ILAAHAY baa leh oo Ciise ayaa leh, anagu intaasi nabadda ayaanu eegaynay.”

Oday kale oo madashaas ka hadlay, ayaa isaguna ku tiraabay, “In mijaha iyo caloosha la yidhaahdo halagu siiyo ma qaadanayno, markaa inay iscasilaan culimo iyo odayaalba way ku raaceen.”

SOMALILANDPOST.NET