Obama Oo Si Ka Baxsan Baratakoolka Guriga Cad Ee Soo Dhoweynta Martida U Qaabilay Boqorka Sucuudiga

Washington (SLpost)- Baratakoolka (Anshaxa) soo dhoweynta madaxa ee Guriga Cad ee Maraykanka ayaa madaxweynaha dalka faraya in martida uu Guriga Cad ku soo dhoweynayo uu ku qaabilo xafiiska  madaxweynaha ee Oval Office ka loo yaqaanno, kadibna inta aanay madaxweynaha iyo martidiisu kulanka rasmiga ah gelin uu halkaas ku soo dhoweeyo ereyo niyadwanaag iyo furfurnaan muujinayana.

Picture77-300x169

Haddaba markii dhowaan uu boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Cabdalcasiis booqday Guriga Cad ayaa uu madaxweyne Obama jebiyey baratakoolkaas, waxa aanu boqorka kaga hortagay afaafka hore ee kadinka waaxda galbeed ee Guriga Cad, tallaabadaas oo lagu tilmaamay mid dhif ku ah habka soo dhoweynta madaxda ee Guriga Cad. Sawir-qaade Mark Noller oo Talefishanka CBS ee Maraykanka u jooga Guriga Cad ayaa sawirro uu bartiisa Twitter ku faafiyey waxaa ka muuqda Madaxweyne Barak Obama ooo ilbidhiqsiyo ka hor intii aanu qaabilin boqorka ka sii baxaya kadinka hore ee Guriga Cad si uu uga hortago boqor Salmaan iyo sawir labaad oo muujinaya boqorka iyo madaxweynaha oo ku soo wada socda dhismaha Guriga Cad.

Noller oo ka faalloonaya tallaabadaas uu Obama ku jabiyey Baratakoolka Guriga Cad ayaa ku qoray bartiisa Twitter ka, “Caado ma’ay ahaan jirin” Waxa aanu intaas ku sii daray, “Madaxweyne Obama oo ka muuqda barxadda Galbeed ee Guriga Cad si uu boqor Salmaan ugu soo dhoweeyo Guriga Cad” Mar kale ayaa uu saxafigan ka hawlgala gudaha Guriga Cad qoray, “Dhif ayaa ay dhacday in aan tan oo kale arkaa”

Si kastaba ha ahaato ee tallaabadan uu Obama ku jebiyey baratakoolka soo dhoweynta madaxda ee u dejisnaa Guriga Cad ayaa ay dad badani ku macneeyeen farriin siyaasi ah oo uu Obama uu ku muujinayo muhiimadda ay booqashada boqorku u leedahay Washington.

Warkan oo uu Geeska Afrika soo ururiyey ayaa lagu sheegay qodobbo kale oo aan caadi ahaan looga baran Guriga Cad ee Maraykanka oo uu Obama ku kacay markii uu soo dhoweynayey boqor Salmaan Cabdalcasiis, waxaana ka mid ahaa:

  1. Boqorka oo laga ilaaliyey in uu dul maro sibidhka ama dhulka oo aanay waxba ka xigin, meel kasta oo uu marayana loo dhigay roog cas, taas oo caadi ahaan aan laga isticmaalin Guriga Cad, madaxda timaadaana ay si caadi ah dhulka isaga dul socdaan.
  2. Amniga magaalada Washington oo aad loo adkeeyey si aan looga baran marka ay madaxda kale ee dunidu soo booqdaan Guriga Cad.
  3. Hudheellada la dejiyey boqorka iyo waftiga uu hoggaaminayo oo ka hor intii aanu boqorku iman qurxin iyo dib-u-cusboonaysiin lagu sameeyey.
  4. Warbaahinta dalka Maraykanka oo kaalin iyo fursad aad u weyn laga siiyey tebinta wararka safarka boqorka, taas oo aan hore u dhici jirin.

Dada siyaasadda Maraykanka u dhuun-daloolaa ayaa arrintan ku macneeyeen in Guriga Cad uu doonayey in muwaadiniinta caadiga ah ee Maraykan ay fahmaan muhiimadda uu Sucuudigu u leeyahay dalkooda iyo kaalinta mugga leh ee uu ku leeyahay bariga dhexe.

Xigasho Geeska Afrika