Obama oo Saxeexay Amar lagu joojinaayo in Fiisooyin la siiyo Dadka ku lug leh Xasraddaha Ukraine

USA (SLPOST) Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in uu saxeexay amar lagu joojinaayo in Fiisooyin la siiyo dadka Ruushka iyo Ukraine u dhashey ee ku lug leh xasraddaha ka taagan Ukraine.

Obama-signs-400x225

Amarka ayaa sidoo kale hantidooda lagu xayiraaao dadkaas uu sheegay in ay ka shaqeynayaan fiidnada Ukraine.

Obama ayaa mar labaad mudo todobaad ka yar uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ay kawada hadleen sidii xal loogu heli lahaa Xaaladda Ukraine.

Madaxweyne Obama ayaa ugu baaqay Putin in ciidankiisa uu kala soo baxo gobolka Crimea oo shalay Baarlamaankiisa isku raaceen in ay ka goostaan Ukraine kuna biiraan Ruushka.

Balse Afti dadweyne ayaa la sameyn doona mudo 10-maalmood gudahood si dadweynaha go’aan uga gaaraan arrintaas, iyadoo dadkaas ay isir ahaan kasoo jeedaan Ruushka.

Madaxweyne Putin ayaa dhankiisa sheegay in aan loo baahnayn xiriirka Ruushka iyo Mareykanka uu u burburo sababo la xiriira is-afgaran waa oo labo qof.

Xasraddaha Ukraine oo soo bilaabatay bishii hore ayaa khilaaf xoogan ka dhex dhalisay Mareykanka iyo Ruushka, iyadoo Ruushka uu kasoo horjeedo Dowladda Kumeelgaarka.

SOMALILANDPOST.NET
Hargeysa/Somaliland