Obama Oo Si Xun Qoomameeyay Hawl-gal Diyaaradihiisu Ku Dileen Laba La-hayste Oo Al-qaacida Gacanta Ugu Jiray

“Madaxweyne ahaan iyo hogaamiye ciidan ahaan waan qaadanayaa masuuliyada qaladkaas ay noloshooda ku waayeen Warren iyo Giovanni.”Hostages

Washington, (SLP)- Xukuumadda Washington ayaa si murugaysan u tidhi, “Waa wax aad looga xumaado dhimashada laba la-hayste oo ururka Al-qaacida gacanta ugu jiray, kuwaasoo ku dhintay hawl-gal lagu beegsanayay kooxdaas, kaasoo ka dhacay xuduudda  u dhexaysa Afghanistan iyo Pakistan horaantii sannadkan”

Aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykan ayaa sheegay maanta in Warren Weinstein oo u dhashay Mareykanka iyo Giovanni Lo Porto oo u dhashay Talyaaniga ay diyaaradaha aan ciddi wadin ee loo yaqaan drones oo hawl-gal ay ku beegsanayaan Al-qaacida si kama’ ah ugu dileen.

Madaxweyne Barack Obama ayaa sheegay in Mareykanku kala shaqeynayay Talyaaniga sidii Weinstein iyo Lo Porto loo soo badbaadin lahaa. “Sida ay sheegeen warbixinaha sirdoonku waxa hawl-galkaas ka dhanka ahaa Al-qaacida si kama’ ah ugu dhintay Warren iyo Giovanni bishii January,” ayuu yidhi Obama.

“Madaxweyne ahaan iyo hogaamiye ciidan ahaan waan qaadanayaa masuuliyada hawl-galkaas sida lama filaanka ah ay noloshooda ugu waayeen Warren iyo Giovanni.”

“Waa dhacdo aad u qadhaadh, in qalad noocaas oo kale ahi uu dhaco.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Weinstein oo u dhashay dalka Mareykan ayay ururka Al-qaacida ka qabteen August 2011-kii bariga Pakistan ee Lahore, ka dib markii ay ku weerareen gurigiisa.

Lo Porto oo  39 sanno jir ayaa isaguna ahaa shaqaale dhinaca gargaarka ah, isla markaana sanadkii 2012-kii ay Al-qaacida ka qabteen Pakistan.

Sidoo kale Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in hawl-galkaas ay ku dileen hogaamiye ka tirsan ururka Al-qaacida, kaasoo lagu magacaabo, Ahmed Farouq.

 

Somalilandpost.net