Nuxurka War-saxaafadeed ay wada-jir u saareen Saddexdii Madaxweyne-ku-xigeen ee Somaliland Soo Maray oo Arrimo muhiim ah ka hadlay

Hargeysa (SLpost)- Saddex Madaxweyne ku-xigeen oo hore uga tirsanaa Xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray Somaliland, ayaa war-saxaafadeed ay maanta si wada-jir ah u soo saareen, waxa ay kaga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo xilliggan xaasaasiga ah iyo loolanka u dhexeeya saddexda xisbi qaran.

Xasan Ciise Jaamac, Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo si wada-jir ah go’aan mideysan oo ka tarjumaya waayo-aragnimadooda siyaasadeed, waxa ay talooyin xambaarsam dar-daaran iyo Waano u jeediyeen Shacabka, Ciidamada Ammaanka iyo Madaxda Saddexda Xisbi Qaran ee ku loolamaya talada dalka.

xasan ciise, cabdiraxmaan aw cali faarax, Axmed yuusuf yaasiinXasan Ciise Jaamac oo ah Madaxweyne ku-xigeenkii u horreeyey ee Somaliland markii ay dib-u-hanatay Madax-bannaanideeda 1991-kii Xukuumaddii Marxuum Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax oo isaguna madaxweyne ku-xigeen ahaa 1993 ilaa 1997-kii Xukuumaddii Marxuum Madaxweyne Cigaal iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo xilka madaxweyne-ku-xigeenka hayay intii u dhaxaysay 2002-dii ilaa 2010-kii Xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale. Waxa ay war-saxaafadeedkooda ku sheegen in la gaadhay wakhtigii ay madaxda Xisbiyadu ka hadhi lahaayeen hadallada bulshada kala fogeynaya, dhaawacana u geysanaya amniga iyo habsami-u-qabsoomiidda doorashada.

War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandpost.net isla markaana ay ku saxeexan yihiin saddexda masuul, ayaa u qornaa sidan:-

“Bismillahi, Al-raxmaani Al-raxiim:

Annagoo ah Madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aannu waqtigan xasaasiga ah ee dalkeenu marayo talooyin u soo jeedinaynaa madaxda saddexda xisbi qaran, gaar ahaan murrashixiinta iyo bulshoweynta reer Somaliland.

Sida aynu wada ogsoonnahay waxa innagu soo fool leh doorashadii madaxtinimada Somaliland oo ay ku tartamayaan saddexda xisbi qaran; KULMIYE, UCID & WADDANI. Markaa waxa la gaadhay waqtigii ay madaxda xisbiyadu ka hadhi lahayeen hadallada xanafta leh ee naxliga abuuraya ee bulshada dartood u kala qeybsantay sii kala fogeynaaya, taas oo waxyeelo weyn u geysan karta nabadgelyada iyo midnimada ummadda ay madaxda u yihiin. Nabadgalyada oo ah raasamaalka ugu weyne ee dadka reer Somaliland maanta haystaan.

Waxa kale oo looga baahan yahay murrashiixinta inay tageerayashooda kuwaaniyaan inay tartan xallaala tartamaan oo ka madhan xummaan iyo xasarad horseedi karta kala fogaanshaha bulshada walaalaha ah, isla markaa madaxda tartamaysaa waa inay maanka ku hayaan sidii ay u hannan lahayeen hoggaanka dal, nabadda iyo bulsho walaalo ah.

Sida la ogsoon yahay Somaliland waxay horrey u soo martay doorashooyin dhawr ah, waxanay Illaahay mahaddii haka gaadhe kaga soo gudubtay wadajir iyo isku tannaasul.  Maantana indhaha caalamku way ina dhawrayaan bal sida aynu tijaabadan agu soo baxno, saaxiibadeen waxay sugayaan war farxad geliya, cadowgeena mid kaa kulidi ah.

Haddaba, iyadoo Illaahay lala kaashanaayo waxaynu marxaladan kaga gudbi karnaa innaga oo iday-keen gacmaha is-qabsanna, xisbiyadeena oo si hufan u tartama, nabadgalyada oo kulligeen ciidan iyo shicib xilweyn la iska saaro.

Dadweynaha reer Somaliland waxa laga rabaa inay aad ula shaqeeyaan guddiga doorashooyinka iyo ciidamada ammaanka ee heeganka u ah dhawritaanka nabadgelyada, codkoodana u dhiibtansi hufan oo xasilloon. Sidoo kale bulshadu waa inay u diyaar-garooban in dhinac looga soo wada jeesto cid allaale ciddii ku kacda wax nabadgalyada iyo xasillooni dadka khalkhal gelinaaya.

Xisbigii Illaahay qadaro inuu badiyo ayaa badin doona, inta kalena waxa looga baahan yahay ku qancidda natiijada doorashada, hannaynta iyo hambalyeynta cidda guulaysata, sidii awalba caadada inoo ahayd.

Ugu dembayn, waxan Illaahay innooga baryeynaa inuu xaqa ina waafajiyo, hawlaha innagu soo aadana si nabadgelyo innoogu dhammeeyo. Dalka iyo dadka reer Somaliland waxaan u rajaynaynaa, Nabadgelyo, bashbash, barwaaqo, horumar iyo aqoonsi.

 

ALLA MAHAD LEH

Mudane: Xasan Ciise Jamac      Mudane: Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax  Mudane: Axmed Yusuf Yasin

__________________           _________________                               _______________