Nuxurka War-murtiyeed laga soo saaray Shir Aqalka Madaxtooyada saddex maalmood uga socday Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo (DHEGAYSO)

Hargeysa (SLpost)- Shir muddo saddex-maalmood ah aqalka madaxtooyada Somaliland uga socday Madaxweyne Siilaanyo iyo Xubnaha Golihiisa Wasiirrada, ayaa caawa soo gabo-gaboobay, waxaana laga soo saaray qodobbo laga sheegay in layskula qaatay.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed xalay ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxtooyada Md Axmed Saleebaan Dhuxul, waxa lagu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo fulisay 70% ballan-qaadyadii ay shacbiga u soo bandhigeen wakhtiyadii ololaha doorashada madaxtooyada lagu jiray, halka sidoo kalena layskula qaatay in wax laga qabto 130 qodob oo lagu hagayo qorshaha siyaasadda ee sannadka soo socda.

HALKAN KA DHEGAYSO AFHAYEENKA MADAXTOOYADA

Warmurtiyeed_Dhuxul

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net