Nuxurka Wada-hadal Ay Madaxweyne Uhuru Iyo Bill Clinton Ku Yeesheen Madaxtooyada Kenya

Nairobi, (SLpost)- Madaxweyne  Uhuru Kenyatta iyo marwadiisa Margaret Kenyatta ayaa xarunta madaxtooyada Kenya ee  magaalada Nairobi ku qaabilay madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Bill Clinton.Clinto and Uhuru

Waxay labada dhinac ka wada hadleen mashruuca horumarinta dhinaca beeraha ee dalka Kenya, isla markaana waxay isla qaateen in la dhiirigeliyo ganacsiyada yar yar ee la xidhiidha arrintaas.

Sidoo kale madaxweyne Uhuru iyo Bill Clinton ayaa ka wada hadlay mashruuca hirgelinta dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka ee lagu magacaabo (Clinton Health Access Initiative) (CHAI) iyo sidoo kale mashruuca dhinaca cimilada ee isna lagu magacaabo (Clinton Climate Initiative) (CCI).

Clinton ayaa ka codsaday madaxweyne Uhuru, inuu aasaaso mashruuc toos u saamaynaya deegaanka isla markaana lagu ilaalinayo deegaanka.

Sidoo kale, madaxweyne Uhuru ayaa u sheegay Clinton inuu ku faraxsan yahay kulankiisa, isla markaana si weyn ugu soo dhaweynayo dalka, waxaanu uga mahad-naqay talooyinka uu ujeediyay, kuwaasoo uu sheegay inay yihiin qaar ay horumar ku gaadhayaan dadka reer Kenya, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, waxaanu xusay in adeegyadaas ay awoodda saari doonaan inta ay xukuumadda xisbiga Jubilee talada haysoGovernment’s key areas of focus.

“Waan kugu soo dhaweynayaa Kenya, waxaananu doonaynaa oo aanu jecelahay inaanu qayb kaala noqon caawinta iyo horumarinta nolosha dadka reer Kenya.” ayuu yidhi madaxweyne Uhuru.

Kulankan Madaxweyne Uhuru iyo Bill Clinton, waxa sidoo kale goob-joog ka ahayd wasiirka khaarajiga dalka Kenya Dr. Aamina Maxamed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Kenya.

Somalilandpost.net