Nuxurka qodobbo miisaan leh oo laga soo saaray kulan aqoonyahanka Awdal uga socday magaalada Borama iyo Xukuumadda oo ka qayb-gashay

Borama, (SLpost)- Waxa maanta hotel-ka Rays ee magaalada Borama lagu shaaciyey  qodobbadii ka soo baxay shirkii Aqoonyahanka gobolka Awdal  oo maalmahanba uga socday magaaladaas.

Kulan oo lagu soo gabo-gabeeyey shirkii aqoonyahanka gobolka Awdal, waxa ka qayb-galay Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Md. Cabdilaahi Daahir Cukuse iyo maayarka magaalada Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile, Guddomiyeyaasha jaamacadaha Camuud iyo Eelo.

Kulankan oo ay jaamacadda Camuud soo qaban-qaabisay ayaa muddo laba maalmood ah ay aqoon yahannadu ku falan-qaynayeen sidii nabadda iyo horumarka looga wada-shaqayn lahaa, waxaana kulankan lagu magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo ka soo talo-bixisa magacaabista guddiga horumarinta gobolka Awdal, waxaana lagu go’aansaday in jaamacadaha ku yaala magaalada Boorama laga sugayo kulamo lagu falan-qaynayo nabadda iyo horumarinta.

Waxa goobta uu kulanku ka socday hadallo kooban ka soo jeediyey guddoomiyaha jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo dhiirri-geliyey in halkaas laga sii wado sidii loo adkayn lahaa nabadda iyo horumarka. Waxa kale oo halkaas ka hadlay sheikh baladka magaalada Boorama Sheekh  Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar iyo guddoomiyaha Jaamacadda EELO ee magaalada Boorama Dr. Maxamuud Xuseen  waxaanay  labadooduba soo jeediyeen hadallo hogo-tusaalaynaya nabadda iyo xoojinteeda.

Ugu dambayn, waxa kulankaas ka hadlayey afhayeenka madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Daahir ‘Cukuse’ oo dhiirigeliyey in la sii dambo qaado kulamada noocan oo kale ah waxaanu ballan qaaday inuu xukuumadda gaadhsiin doono macluumaad iyo xogta ka soo baxday natiijada kulankan aqoonyahanka, isaga oo arrintan ka hadlayana waxa uu yidhi, “Dokumentiyadan waxaan gaadhsiinayaa madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenkaba. Waxaanan hubaa in guddiga noocan oo kale cidda ugu horreysay ee kaalmo siin doontaa ay tahay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.”

Kulankan ayaa ah kii ugu horreeyey ee lagu qabto magaalada Boorama ee caasimadda Gobolka Awdal oo aqoonyahankiisu ay ku go’aansadeen inay hormood ka noqdaan horumarinta gobolka, waxaanu tusaale u noqonayaa gobollada kale ee Somaliland inay qaadaan tubtan aayo-ka-tashiga ka hor inta aan la isla gaadhin in Xukuuadda dhexe uun wax laga sugo.

NUXURKA QODOBADDA SHIRKA AQOONYAHANKA

 

Xaalada aan Ku  Jirno (Current Situation)

 

  1. Waa in la xoojiyo  midnimada Somaliland
  2. Waa in la sii xoojiyo lana kobciyo nabada
  3. In la kobciyo dareenka dawladnimo iyo ka qayb-galka dawladnimada Somaliland heer walba,

 

4.     In la adkeeyo dhanna looga soo wada jeesto jiritaanka, midnimada iyo qaranimada Somaliland

 

Diinta iyo Dhaqanka (Religion and Culture)

 

 

1.     In la dhiiri galiyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka

 

2.     In la Ilaaliyo lana dhawro  Dhaqanka suuban  iyo diinta Islaamka,

 

3.     In masaajidadu sii xoojiyaan wacyi gelinta bulshada

 

4.     In laga hortago dhaqanka diinteena khilaafsan

 

5.     In manahajka dugsiyada iyo Jaamacadahaba diinta lagu xoojiyo

 

6.     In dhaqanka iyo siyaasadda aan la isku darin

 

7.     Oday dhaqameedyadu waa inay ku ekaadaan arimaha dhaqanka kana fogaadaan waxii kala gaynaya ummadda

 

 

 

Waxbarashada (Education)

 

1.     In ay Jaamacadaha iyo Dugsiyadu ardayda  u saaraan safaro lagu soo marayo gobolka si ay dhug ugu yeeshaan,

 

2.     In la hirgeliyo tacliinta farsamada gacanta iyo macdanta,

 

 

3.     In la sameeyo guddi waxbarasho oo heer gobol ah

4.     In la tayeeyo waxbarashada gobolka:  maamul, manhaj iyo macalin

5.     In la xoojiyo barashada afka –Carabiga dugsiga hoose ilaa jaamacadda.

 

 

Siyaasad Beeleedka (Clan Politics)

 

Waa in si guud loo ilaaliyo midnimada bulshada iyadoo laga duulayo qodobada soo socda

 

1.     In jaamacadduhu noqdaan madal u furan wada-hadalka, doodaha iyo horumarka bulshada

 

2.     In da’yarta la baro adkaynta wadaniyada, darisnimada, iyo dan-wan-wadaagnimada, lagana ilaaliyo qabyaalada

 

3.     In aan siyaada la beelayn, dhaqankana la siyaasadayn

 

4.     In la helo cadaalad lana kobciyo shaqo abuurka

 

5.     Inaan ururda siyaasada lagu abaabulin hab ku dhisan qabyaalad

 

6.     In dhalinyarada loo abuuro barnaamijyada is dhexgalka iyo is barashada si looga gudbo qo-qobnaanta ay keento qabyaaladu

 

7.     In qabyaalada loo arko qaab foolxun oo badawnimo iyo dib u dhac ku salaysan

 

8.     In bulshada laga wacyi galiyo ku dhaqanka qabyaalada

 

9.     In la joogteeyo shirarka noocan oo kale ah

 

10.            In Abaal marino la gudoonsiiyo inta waxqabadka u heelan,

 

11.            In da’ yarta la baro wadaniyada, dan wadaagnimada iyo darisnimada

 

Caafimaadka iyo Fayo-dhawrka (Health and Sanitation)

 

1.     Waa in si cilmiyaysan oo xirfad leh loo agaasimaa caafimaadka,

 

2.     Waa in la kobiyo lana horumariyo  fayodhawrka magaalooyinka goboladeena

 

3.     Waa in la sii horumariyo cisbitaalada jira lana  abuuro adeegyo caafimaad meelaha aanay ka jirin.

 

4.     Waa in la hawlgeliyo cisbitaalda kale ee gobolada

 

5.     Waa in shaqaalaha caafimaadka loogu baahiyaa goboladeena si siman oo is leeg.

 

6.     Waa dhaqaale loo helo adeega caafimaad ee gobolada lana gaadhsiiyo isku fillaansho.

 

 

War-baahinta (Media)

 

1.     In gobolada loo yagleelo warbaahin madax banaan,

 

2.     In la dhiso oo la kobciyo xirfada iyo mihnada suxufiga

 

3.     In war-baanintu ka qayb qaadato isku xidhka ummadda iyo horumarka

 

4.     In la helo kulliyad saxafadeed oo soorta dad aqoon iyo mihnad saxaafadeed leh

 

5.     In suxufiyiintu qiimayn ka helaan bulshada dhexdeeda

 

6.     In la helo war-baahin wax-barashada iyo wacyigalinta ka hawlgasha

 

7.     In la sameeyo khuburo saxaafadeed oo qiimaysa dadka saxaafadda ka shaqeeya

 

8.     In suxufigu la yimaaddo shahaado ama wax u dhigma

 

Ganacsiga, Dhaqaalaha, Kaabayaasha, iyo Beeraha (Commerce, Economy, Infrastructure, Agriculture)

 

  1.  In muhuumidda koowaad la siiyo kordhinta wax-soo saarka beeraha.
  2. In  istaraatiijiyad dheer oo xaga kaabahayaasha dhaqaalaha ah la sameeyo,
  3. In la abuuro shirkado yaryar iyo qaar waaweyn ,
  4. In maalgelin loo raadiyo: kaluumaysiga, beeraha, xoolaha, milixda, iyo macdanta
  5. In qurbo-joogu lagu dhiiriyo maalgashiga  gobolada
  6. In la sameeyo biyo xidheeno si loo qabto biyaha roobka
  7. In la xoojiyo xidhiidhka ganacsi ee goboladu  la leeyahiin  dawladaha jaarka sida  Itoobiya,  Jabuuti iyo Yeman.
  8.  In Boorama laga iibiyo dadyowga kale iyadoo la diyaarinayo filim xogeedyo (Documentary Film).

 

9.  In loo guntado isku xidhka Boorama, Lughaya  iyo Seylac
10.     In la taageero ASARDA IYO ARDAA oo u heelan horumarinta wadooyinka iyo dekadaha gobolada
11.     Si loo fuliyo hawlaha kor ku xusan waa in la sameeyo guddi hor-u-marineed oo gobolku yeesho.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Nuxurka qodobbo laga soo saaray kulan aqoon yahanka Awdal uga socday magaalada Borama iyo Xukuumadda oo ka qayb-gashay