Nuxurka Qodobbo ka soo baxay Gunaanadka shirkii Dubur & kulamo ka dambeeyay oo Burco ka dhacay

Dubur,  (SLpost)- Shirwaynihii degaanka Dubur uga socday Beesha Ciise Muuse oo bilaabmay 29-kii September, ayaa shalay laga soo saaray baaq ka kooban siddeed qodob, isla markaana la soo gebogabeeyay.

Qodobadda shirkaas laga soo saaray oo la sheegay in laysla qaatay, waxay u dhigan yihiin sidan soo socota:

  • In jiritaagka iyo gooni isu-taaga Jamhuuriyada Somaliland aanu gorgortan gali karin, aanu yahay lama taabtaan.
  • In nabadgelyo iyo deris-wanaag nagula noolaadaan beelaha jaararka ah iyo beelaha kale ee Somaliland oo dhan.
  • In wixii dhib ah ee dhex-yimaada beelaha in nabadgelyo iyo wadahadal lagu dhammeeyo.
  • Beeshu waxay taageerayaasaa xukuumad kasta oo Somaliland ah oo ku timaada doorasho iyo sifo sharci ah.
  • Beeshu waxay ka xumaatay fara-gelinta ay xukuumadu kula kacday beesha.
  • Beeshu waxay ku heshiisay inay ka shaqayso horumarta degaanka beelaha Ciise Muuse iyo adeegyada bulshada, sida Caafimaadka, Waxbarashada, Ilaalinta degaanka siibaa goy’nta iyo gubista dhirta iyo waxyaabaha la mid ah.
  • Beeshu waxay samaysatay guddi 41 xubnood ah oo danaha beelaha Ciise Muuse ka shaqaysa, gaar ahaan dhinaca horumarinta.
  • Beeshu waxay aad iyo aad ugu mahadnaqaysaa beelihii nagu soo booqday madasha shirkan iyo beelaha waqtigu u saamixi waayay inay noo yimaadaan.

Siday tibaaxayaan ilo xog-ogaal ahi, ka dib markii uu shirkaasi dhamaaday shalay, xubno muhiim ah oo isla beeshan ka tirsan ayaa la sheegay inay kulan la yeesheen xubno kale oo ka tirsan beesha galbeedka Burco, hase ahaatee, warku ma kala cadayn dhab ahaan waxyaabaha ay ka wada hadleen. Hase yeeshee, wararkaasi waxay xuseen in xubnahaas ka socday beesha shirku ugu dhamaaday Dubur ay soo dhigeen in ka dib shir ay isugu yimaadaan beelaha galbeedka Burco ay diyaar u yihiin inay markaa la shiraan. Balse, ma jiraan war rasmiyan arrintaa kala xaqiijinayaa.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net