Nuxurka Kulan Shalay Dhex Maray Madaxweyne Siilaanyo Iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay guddiga doorashooyinka qaranka, iyagoo ka wada hadlay hawlaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankaas, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa  sheegay in kulanka oo ay dalbadeen guddiga doorashooyinku lagaga wada hadlay bilowga diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo bilaabmaysa 21 June 2015 iyo geedi socodka hawlaha doorashooyinka qaranka.

Warku wuxuu intaas raaciyay in guddiga doorashadu Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyeen ku xigeenkiisa Saylici iyo xubno wasiiro ahi, ugu xog warameen bilowga diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo arrimaha doorashooyinka. Sida ay ilahani sheegeen waxay guddiga doorashooyinku Madaxweyne Siilaanyo u bandhigeen sida ay muhiimka u tahay in la cadeeyo wakhti rasmi ah oo la isku raacsanyahay oo doorashooyinka la qabto.

Golaha guurtida ayaa muddo kordhintii ay sameeyeen waxay ku go’aamiyeen inay doorashooyinku qabsoomaan horaanta sannadka 2017 halka ay xisbiyada iyo xukuumadu isla qaateen in doroashooyinka la qabto bisha December ee sannadka 2016. Waxaanay guddiga doorashadu Madaxweyne Siilaanyo ka dalbadeen in la isla qaato labadaas wakhti midkood si loo gudo gawlo hawlaha doorashada iyo jadwalka shaqo ee guddiga doorashooyinka. Warku wuxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo guddiga doorashada u sheegay inuu ku hawlanyahay xal u helida khilaafka ka taagan wakhtiga doorashada la qabanayo. Madaxweyne-xigeenka Md. Saylici oo isna halkaas ka jeediyay hadalo kooban ayaa tilmaamay sida ay qaran muhiim u tahay in la isku raaco wakhti la isku raacsanyahay oo aan khilaaf ka taagnayn. Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo madasha fadhiyay  ayaa isna la sheegay inuu tilmaamay inay xukuumad ahaan  jecelyihiin inuu hirgalo heshiiskii ay wada gaadheen xisbiyada iyo xukuumadu, isagoo dhinaca kalena tilmaamay go’aanka golaha guurtida. Si kastaba ha ahaate kulanka ayaa lagu tilmaamay mid marka laga tago warbixino la iska dhagaystay aanay ka soo bixin natiijo miisaan leh oo la xidhiidha xal ka gaadhista khilaafka doorashada.

Source: Geeska Afrika