Nuxurka Kulan Madaxtooyada ku dhexmaray Guddida Ka-Soo-Kabashada Abaaraha iyo Waxyaabihii Shirkaasi laga Wada Hadlay

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Ka-soo-kabashada Abaaraha ee 18 May oo dhawaan madaxweynuhu magacaabay, ayaa galabta kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Somaliland.
Guddiga oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Guddigaas ahna Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa lagu soo qaaday sidii loo xoojin lahaa isla markaana looga midho-dhalin lahaa Hawl-galka loo xil-saaray guddiga oo ku salaysan ka-midho dhalinta Shan qodob oo guddigu ka duulayso.
099A4118Sidaasna waxa lagu sheegay war-qoraal kooban oo caawa ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxtooyada, kaas u dhignaa sidan:- “Guddida ka soo kabashada abaaraha ee 18-May Madaxweynuhu u Magacaabay oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha guddidaas ahna wasiirka wasaaraadda Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa kulan muhiima isugu yimid galabta oo sabti ah taariikhduna tahay 27/05/2017 qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankaas oo qaatay ilaa bacda afurkii waxa lagaga hadlay arrimo doora oo la xidhiidha hawlihii madaxweynuhu u igmaday ee taakulada ka soo kabashada abaaraha, waxaana warbiximo laga dhegeystay qaybaha guddidu ka kooban tahay oo shaqooyin muhiima qabtay muddo gaabana ku soo ururiyey lacag muhiima oo dhan 3,281,940.55 (Saddex Milan, laba boqol siddeetan & kow kun iyo Sagaal boqol Afar iyo Shan iyo kontan senti).
099A4001Markii shirkaasi soo dhamaadayna waxay guddidu isla garatay in la dardar geliyo sidii qayb libaax ay uga ciyaari lahaayeen shacbiga Somaliland tabarucaadka loo ururinayo dadka ku caydhoobay abaarta iyo qorshaha danbe ee xukuumaddu u dejisay in lagaga diyaar garoobo abaaraha noocan oo kale ah, lana abuuro shan maxsuul oo la rabo in xal loogu helo abaarahaas, kuwaas oo kala ah:
1. In la taakuleeyo laguna celiyo 20,000 oo qoys oo ka barakacay deegaanadoodi.
2. In la xooleeyo 10,000 oo qoys oo ku xoolo waayey abaartii ba’nayd ee dalka ku dhufatay
3. In la qodo 25 ceel biyood oo dhaadheer iyo 18 bali oo waa weyn la sameeyo lagana qodayo meelaha baahida biyaha ee ugu darani ka jirtaan.
4. In 3,500 oo beero ah la sameeyo 12ka bilood ee soo socda
5. In la xidho 12 seere oo keyd u noqda xoolaha wakhtiyada abaartu jirto
099A4000Waxaanay guddidu bulshada is xilqaantay ee sida weyn u muujiyey dareenkooda waddanimo kula dardaarmeen in ay sida ugu dhakhsaha badan u soo bixiyeen lacagihii iyo xoolihii ay isku qoreen madaama oo wakhtigu is gurayo.
Sidoo kale waxa ay guddidu u mahadnaqaysaa dhamaan warbaahinta kala duwan ee sida wanaagsan uga qayb qaatay baahinta iyo tebinta arrinta tabarucaadka gaar ahaan Tv-yada wakhtigooda qaaliga ah u huray inay dadkooda uga faa’iideeyaan qayb ka mida saacadahooda shaqo iyo idaacadaha Radio Hargeysa iyo Fm ta Quraanka Kariimka ah oo iyagu laga bilaabo beri afarta ilaa lixda ku soo biirin doona dedaalkoodi hore ee qaadhaan ururintaas.
099A4002Waxa kale oo ay shacbiga Somaliland u soo jeediyeen guddidu inay qayb ka noqdaan sanaaduuq muhiima oo la dhigi doono goobaha mudan in la dhigo ee ay ka mid ka yihiin Egal International Airport, Hotel-lada waa weyn ee dalka IWM.
Ugu danbayntiina waxa shirkaasi lagu go’aamiyey in dalal Kuwait iyo Imaaraadka loo diro xubno ka mida guddida, kuwaas oo la kulmi doona jaaliyadaha reer Somaliland ee ku sugan halkaas iyo masuuliyiinta dalalkaas iyo in dhalinyarada is xilqaantay ee tabarucaadka ku mari doona meheradaha iyo suuqyada waa weyn ee magaalooyinka dalka lala shaqeeyo oo qof walba uu soo dhaweeyo qaybna ka noqdo qaadhaan ururintaasi marka ay bilaaban da’a yartaasi hawshaasi. Iyagoo shacbiga kula dardaarmay guddidu in aanay marnaba ka caajisin qaadhan bixinta dib loogu taakulaynayo dadkeena, haday tahay dadka ku sugan gudaha dalka iyo kuwa debedaba, iyadoo rayul caamkuna la dhacsan yahay sida aynu dhexdeena wax isu tarnay inagoo horena caan ugu ahayn arrimo badan oo aan caalam ka intiisa kale ka hirgelin ama aan hore loogu arag,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-qoraalkan ka soo baxay madaxtooyada.
099A4137

099A4132

099A4131

099A4124

099A4118

099A4114

099A4112

099A4103

099A4098

099A4093

099A4087

099A4003

099A4002

099A4001

099A4000