Nuxurka Kulan Dhexmaray Wasiirka Ganacsiga Somaliland iyo Dhiggiisa Dalka Imaaraadka Carabta

Dubai (SLpost)- Wasiirka Ganacsiga Iyo Maal-gashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kaga qayb-galay shir sanadle ah oo lagaga hadlay ganacsiga Afrika iyo Waddamada Carabta, ayaa  maanta  kulan la yeeshay  Wasiirka Ganacsiga iyo dhaqaalaha  ee dalka Imaaraadka Carabta Mr. Sultan Mansouri.

DubaiSida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, labada Wasiir, ayaa ka wada-hadlay sidii loo taabo-gelin lahaa iskaashiga Ganacsi ee labada dal u dhexeeya iyo sidii diiradda loo saari lahaa dhinacyada u baahan in la sii xoojiyo.

Warku waxa uu intaas ku daray in Wasiirka Ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Imaaraadka carabtu ay isla faaqideen sidii dawladda Imaaraadka Carabtu ay Somaliland uga saacidi lahayd sidii loo horumarin lahaa dhinaycada Kalluumaysiga, ka faa’iidaysiga Tamarta iyo sibidhka.

“Labada Wasiir waxay isku waafaqeen inay wufuud kala duwan is weydaarsadaan si loo soo darso qoddobada Ganacsi ee labada waddan ka wada shaqayn karaan,” ayaa lagu sheegay qoraalka kooban ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

UAE-2Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, oo todobaadkii hore ka amba-baxay magaalada Hargeysa, ayaa ka qayb-galay shirweynahan oo ay  ka soo qeyb galeen in ka badan soddon Waddan iyo shirkado ka socday waddamada Afrika iyo Carabta ee xidhiidhka Ganacsi ka dhexeeyo, waana markii u horaysay ee Somaliland lagu soo marti-qaado shirkan oo sannad kasta lagu qabto magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE).

SOMALILANDPOST.NET