Nuxurka Kulan dhex maray Madaxda Somaliland iyo Wefti ka socday Dawladda Talyaaniga

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan Saacad qaatay qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Wefti 7 xubnood ka kooban oo ka socda Dawladda Talyaaniga.

Weftigan oo uu hogaaminaayo Wasiirku xigeenka Arrimaha Debeda ee Dawlada Talyaaniga Mr. SENATORE ALFREDO MANTICA

Waxa ay sheegeen in ay ujeedada socdaalkoodu tahay u xogogaal noqoshada xaalada guud ee Somaliland

Wasiirku xigeenku waxa uu madaxweynaha ku hambalyeeyey maamulka dawladnimo iyo kala danbaynta ka hanaqaaday Somaliland,

waxa kale oo uu sheegay in ujeedada socdaalkoodu tahay in ay Somaliland ku wargeliyaan in ay dawladiisu si toosa ula shaqayn doonto dawlada Somaliland

Madaxweynaha Somaliland ayaa weftiga uga waramay taariikhda iyo sooyaalka Somaliland, waxaanu sheegay in ay dawladda iyo shacbiga Somaliland-ba beesha caalamka ka sugayaan aqoonsi iyo in laga gacan qabto dedaalka ay la yimaadeen reer Somaliland

Madaxweynaha waxa kulankan ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirka Arrimaha Debeda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed iyo Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Dhinaca Weftiga waxa wasiirku xigeenka Arrimaha Debedda Mr. Senatore Alfredo Mantica kulankan ku wehelinaayey

1.         Elisabetta Belloni, Agaasimaha guud ee iskaashiga iyo horumarnta wasaaradda Qorshaynta ee dawladda Talyaaniga Rosa Anna Coniglio, Agaasimaha guud ee wasaarada Qorshaynta ee iskaashiga Afrika iyo Sub-sahariana.

2.        Safiirka Dawladda talyaaniga u fadhiya Nairobi iyo Afar xubnood oo kale.