Nuxurka Khudbaddii Madaxweynuhu Kusoo Xidhay Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye

 

Hargeysa(SLpost):-Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  ayaa maanta soo xidhay shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.

Madaxweyne Siilanyo ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey xidhitaanka shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye  ayaa waxa uu dardaraano kala duwan u jeediyey musharaxiinta xisbiga Kulmiye.

Khudbada madaxweyne siilaanyo jeediyey ayaa u dhignayd sidan

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.

  1. Hoggaanka, Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, dhammaan waxaan ku hambalyeynayaa guusha uu ku dhammaaday shirkii  Shanaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga ee labada maalmood socday.
  2. Waxaan Hambalyeynayaa labada Musharax ee Xisbigu u doortay tartanka doorashada soo socta, waxaan u        rajaynayaa guul.

3.Waxaan u hambalyeynayaa Wasiirka Caafimaadka, Mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo si fiican u tartamay, Inkasta oo aanu ku guulaysan damaciisii, hasa-yeeshee, wuxuu muujiyey dadaal iyo bisayl siyaasadeed oo badan.

  1. Waxaan u mahadnaqayaa marti sharafta ka soo qayb gashay madashan.
  2. Waxaan idinka mahad-celinayaa shahaado sharafta aad igu maamuusteen.
  3. Waxaan ugu baaqayaa haldoorka Xisbiga Kulmiye in ay midooban, wixii turxaan iyo tabasho ah ee dhex timina ay wada hadal ku dhamaystiraan.
  4. Ugu dambayn, waxaan u dardaaraya, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ee ah murashaxa Madaxweynaha mustaqbalka, in uu dadaal dheer u galo midnimada iyo isku haynta Xisbiga.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna musharaxa madaxweyne ee xisbigaas ayaa madaxweynaha somaliland gudoonsiiyey shahaado sharaf la xidhiidha sida dimuqraadiyada leh ee uu uga tanaasulay musharaxnimada xisbiga Kulmiye