Nuxurka Khudbaddii Madaxweynaha Somaliland U Jeediyay Jaaliyadda Somaliland Ee Ingiriiska

London(SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, oo khudbad u jeediyay jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska ayaa ku ammaanay doorka ay ka qaataan horumarinta dalka. Khudbadda madaxweynaha oo dhinacyo door ah taabanaysay waxa uu kaga hadlay safarkii uu tagay Ireland iyo kullamo wasiiradiisu la yeesheen madaxda kala duwan ee ingiriiska.

 

Madaxweynahay ayaan soo qaadin arrimo laga filayay inuu si qotodheer uga hadlo. Madaxweynuhu wuxuuna indhaha ka laliyay xaaladda siyaasadeed ee kala qaybisay xukumaddiisa iyo xisbigiisa Kulmiiye ee ku salaysan musharaxnimada madaxweynenimo.

 

“Maadaama doorashooyin inagu soo fool leeyihiin oo ay qorshaysan yihiin inay dhacaan bisha March, 2017, waxaanu ku dedaali doonaa in xoogga la saaro sidii doorashadu wakhtigeeda ugu qabsoomi lahayd dalka oo dhan. Degmooyinka aan hore si fiican aanay doorashadu uga qabsoomi jirina waxaan ugu baaqayaa inay doorkan ka qayb qaataan. Waxa inagu waajib ah inaynu wada jirkeena iyo midnimadeennna adkayno oo nabad galyada ilaalino, iskana ilaalino inaanu tartanka doorashadu dhexdeena ka abuurin tafaraaruq. Shac biga Somaliland gudo iyo dibadba waxaan ugu baaqayaa inaynu meel uga soo wada jeedsanno madax banaanideeda. Shacbiga Somaliland waxaan ku ammaanayaa siday ugu midaysan yihiin qaddiyadda Somaliland,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

 

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu jaaliyadda ku ammaanay dedaal uu sheegay inay dalka gudihiisa iyo dibadahaba ka wadaan”Dadka qurbejooga ahi  waa dadkii ka qayb qaatay horumarka dalka. Waxay lafdhab u yihiin dhaqaalaha dalka,” ayuu yidhi madaxweynuhu.

 

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sidoo kale tacsi u diray dhalinyaradii ku geeriyootay rabshadihii ciyaaraha gobolada ka dhashay ee Boorama. Waxa uu sidoo kale tacsi u diray ehelada afar caruur ah oo ku geeriyooday badda Berbera.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sidoo kale uga warbixiyay jaaliyada socdaalkiisa Ireland iyo London.

 

Halkan Kaga Bogo Khudbadda Madaxweynaha: